Hargeysa (Hargeisa Press)- Maalinta xoriyada Somaliland ee 18 May waa mid ka mid ah Maalmaha sida weyn looga xuso guud ahaan dalka Somaliland, iyada oo ay maalintani ku suntan tahay maalinta qaranimada, kadib markii ay lasoo noqontay qaranimadeeda lagaga dhawaaqay shirkii Magaalada Burco 18-kii May 1991-kii.
Maalintan oo ku suntan maalinta qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka bishan May, ayaa diyaar-garowgeeda si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka Somaliland, iyadoo sidan si la mid ah diyaar-garaw xoogan looga dareemayo dalalka Caalamka ee ay ku nool yihiin muwaadiniinta Somaliland.
Diyaargarawga, ayaa noqonaya sannad-guuradii 34aad, balse maaha guddaha dalka iyo gobollada iyo degmooyinka ee dalalka shisheeye ee Yurub, Mareykanka, Khaliijka iyo weliba kuwa bariga fog, iyo Koonfurta Eeshiya, ayaa munaasibada 18 May looga diyaargaroobay, iyadoo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan dalalkaa ay si weyn u samaynayaan xamaasad la doonayo in lagu muujiyo maalinta qaranimda Jamhuuriyadda Somaliland ee 1991, markii ay Somaliland lasoo noqontay qaranimadeeda lagaga dhawaaqay shirkii Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer 34 sannadood ka hor.
Kooxaha Fannaaniinta, ayaa ku mashquulsan heeso loo qorsheeyay munaasibadda, iyadoo warbaahintuna dalkuna dhankeeda u diyaargaroobeen sidii loo muujin lahaa xuska munaasibadda, waxaana lagu taxay magaalooyinka dalka Somaliland Calanka saddexda midab leh ee tawxiidku ku xardhanyahay, iyadoo goobbaha meheraddaha iyo shaaracyada waaweyn lagu xidhay calanka iyo laydhadh kala nooc ah.
Munaasibadda xuska maalintan oo qiima weyn ugu fadhida qaran ahaan iyo bulsho ahaan Somaliland, waxay dadku kusoo dhowaynayaan niyad wanaag iyo farxad, waxaana isu baxaya sawaxanka heesaha iyo dammaashaadka marba marka ka danbaysa sii xooggaysanaya oo laga dareemayo meel walba.
Ciidamada amaanka, ayaa la geliyay heeggan iyo diyaargaraw si loo sugo amniga, waxayna ciidamadu bulshada la wadaageen farriimo la xidhiidha dhinaca amniga iyo nidaamka, maadaama la hakiyo gaadiidka xilliga lagu jiro dabaaldega munaasibadda 18May.
Waxaana ay maalintani ku timid ka dib dedaal badan iyo hiigsi badan oo loo maray horumarinta wadanka, ayaa sanadkii 1991-kii shirweyne ay beelaha Somaliland ku qabsadeen magaalo madaxda labaad ee Burco waxa ay ku go’aansadeen in ay Somaliland noqoto qaran madaxbanaan oo ay xoriyadeedii luntay 1960-kii oo ay la midoobeen Somalia inteeda kale ay dib ula soo nqodaan, waxaana go’aankaasi saxeexay golihii dhexe ee Ururkii SNM (Somali National Movement), iyada oo ay halkaasi ku luntay rajadii ay dadka reer Somaliland wakhtiga badan ku taamayeen oo ahayd in la helo Shan Soomaaliyeed oo noqda wadan kaliya.
In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhaddii SNM ka dib, waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18-kii May 1991-kii in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960.
18ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgameyaashaasi.
Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhdii ka horeysay 1991kii dibna ugu noqonaysa ilaa wakhtigii xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii.
Wakhti badan ku lumin mayno inaynu ka sheekayno duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, balse waxaynu is dultaagi doonaa xaaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo 1991kii.
Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland.
Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen islamarkaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. Shirkan waxaa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii Guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin.
Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxaa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool.
Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan hogaamiyihii Ururkii SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Somaliland yeelato. Waxaa ku xigay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo noqday Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana Madaxweynihii sadexaad noqday Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kale waxaa Madaxweynihii afaraad noqday Axmed Siilaanyo, waxaa sidoo kale Madaxweynihii Shanaad noqday Muuse Biixi Cabdi, wakhtigan la joogo waxaa hada Somaliland Madaxweyne ka ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo noqonaya Madaxweynihii lixaad ee ay Somaliland yeelato.
Warbixintan oo noqondoonta mid taxane ah oo aanu kaga qayb galayno xuska sannad-guurada 34aad ee 18ka May, kaga sheekayn doonaa marxaladihii kala duwanaa ee dhinacyada nabadgelyada, dibu heshiisiinta, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka iyo dhinacyada horumarka ee ay Somaliland soo martay. Waxaynu sidoo ku soo qaadan doonaa hadaladii dhaxalgalka ahaa ee haldoorka Somaliland qaar ka mid ah.
Hargeisapress Desk