Warbaahinta Itoobiya oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyada aqoonsi raadinta Somaliland

0
899

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wakaaladda Wararka ee dowladda Itoobiya ee FANA, ayaa waxaa ay ka hadashay dhaqdhaqaaqyada aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland ee dunida ka xoogaystay.

Fana, ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu wax ka beddelo awoodaha  Geeska Afrika oo uu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland marka uu dhawaan la wareego aqalka cad.

Xoghayihii hore ee Gaashaandhiga Ingiriiska,ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK, Gavin WIlliamson ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Mareykanku danaynayo aqoonsiga Somaliland.

Aidan J.Simardone oo fallan- qeeya siyaasadda, ayaa tilmaamay in Somaliland ay taabogelisay xasilooni iyo deganaansho ay kaga duwan tahay Soomaaliya oo uu hallakeeyeen qas iyo colaado.

Aidan J.Simardone waxa kaloo uu ku dooday in Somaliland oo la ictiraafaa ay waxtar u yeellanayso dhaqdhaqaaqyada millatari ee Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka.

Warsidaha FANA wuxuu xusay in Somaliland haddii la aqoonsado ay noqon doonto xiddigta qaabayn doonta isbeddelka cusub ee gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here