Warbaahinta Dunidu Maxay ka tidhi sida Aqoonsiga Somaliland ee Mareykanku u qaabayn-karo Isbahaysiga Gobolka iyo Dagaalka Yemen?

0
1360

Hargeysa,(HargeisaPress) – Warbaahinta caalamiga ah, ayaa werisay in Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ku hawlan yahay inuu si rasmi ah ugu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan.

Warbixintan oo halku dheg looga dhigay Sida Aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland uu u qaabayn karo Isbahaysiyada Gobolka, Saamaynta Dagaalka Yemen, iyo sida uu uga hortagayo Saamaynta Shiinaha.

Warbixin uu daabacay Wargeyska The Cradle, ayaa lagu sheegay inuu qorshahan uu shaaca ka qaaday xoghayihii hore ee gaashaandhigga Ingiriiska Gavin Williamson, isla markaana ay baahiyeen warbaahin ay ka mid tahay Semafor, warbixintan ayaa lagu xusay in hirgalinta qorshahani uu dib u habayn karo siyaasadda juqraafiyeed ee Geeska Afrika iyo marinnada badda ee galbeedka Aasiya.

Warbixintan, ayaa tilmaantay in Joogitaanka Shiinaha ee gobolka geeska Afrika uu walaac ku abuuray Washington, maadaama uu Shiinuhu saldhig millatari oo ballaadhan ku leeyahay dalka Jabuuti oo jaar la ah Somaliland.

Sida ay warbixintu sheegtay Xukuumadda Mareykanka, ayaa u aragta aqoonsiga Somaliland mid lagaga hortagayo kaalinta Shiinuhu ku leeyahay gobolka.

Somaliland oo ku taal meel u dhow Gacanka Cadmeed, ayaa gacanta ku haysa biyaha ay maraan 10% ganacsiga dunnidu, taas oo ka dhigaysa goob istaraataji ah, Tan iyo markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii, xiligaas oo ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Warbaahintani waxay tilmaameen in Somaliland dhawr iyo soddonkii sanno ee u dambeeyay uu hannaankeeda dawladnimo si buuxda u shaqaynayay, hasa yeeshee waxa keliya ee ka maqani uu yahay aqoonsi caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here