Hargeysa (Hargeisa Press)- Dalka Kenya, ayaa waxaa uu 26-kii bishan March uu noqday waddankii ugu danbeeyay ee aqoonsada madax bannaanida iyo jiritaanka dalka Kosovo.
Warbaahinta caalamiga ah, ayaa waxaa ay falanqeyn ku sameeyeen waxay Somaliland uga dhigan tahay aqoonsiga Kenya ee dalka Kosovo.
Warbixintan, ayaa sheegaysa in Hargeysa iyo Pristina ay wax badan wadaagaan isla-markaana ay jiraan qodobbo ay ku kala duwan yihiin.
Go’aanka diblamaasiyadeed ee Kenya, waxaa looga dabaal-degay dalka Kosovo, waxaa kale oo suurtagal ah in saamaynta go’aankan laga dareemo meelo ka durugsan dalalka Balkans-ka, isla markaana uu raadayn ku yeesho mandaqada Geeska Afrika, maadaama Somaliland ay halgan ugu jirto aqoonsi caalami ah oo ay dunida ka hesho.
Sida warbixintu xustay dalka Kosovo, ayaa ku dhawaaqday madax-banaanideeda sannadkii 2008dii, kadib markii ay ka go’day Seerbiya, waxaana markiiba aqoonsaday qaar ka mid ah quwadaha reer galbeedka, sidaas oo ay tahay waxay Somaliland dulmi ka tirsanaysaa dunnida dimuquraadiga ah maadaama aqoonsi raadinteedu uu shin dhaafay in ka badan 30 sanno.
Sida warbiximahani caddayneyaan Somaliland, ayaa buuxisay shuruudihii uu waajibinayay Heshiiskii xil qeexida dowladaha ee (Montevideo Convention) shardiyadaas oo ay ka mid tahay in dalku yeesho dhul cayiman oo uu xukumo, dad degen, xukuumad shaqaynaysa iyo awood dawladdu heshiis kula geli karto dalal kale.
Warbaahinta caalamiga ah, ayaa werisay in Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26-kii June 1960-kii, isla-markaana ay aqoonsadeen in ka badan 30 waddan, ka hor intii aanay maalmo yar ka dib si iskeed ah ula yeelan midaw markii danbe fashilmay ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya.
Sida xogahani iftiiminayaan Midowga Afrika, ayaa qiray in qaddiyaddaas gaarka ah ee Somaliland uu salka ku hayo taariikhdii xornimo-doon ee qaaradda Afrika, Baadhitaan uu sameeyay Midowga Afrika sannadkii 2005-tii, wuxuu xaqiijiyay in is raacii dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya aan la ansixin.
Warbixintan, ayaa intaas ku dartay in Qaddiyadda Somaliland ay tahay kiis ka duwan dal ka go’aya dalkii uu ku jiray, taas darteedna ay Somaliland raacayso xiddido taariikheed iyo kuwa siyaasadeed ee qaaradda Afrika.
Warbixinnadan, ayaa gabo gabadii lagu sheegay in Tallaabada Kenya ku aqoonsatay Kosovo ay keenayso suurtogalnimada sii kordhaysa ee ah in dowladaha Afrika ay ku dhiiran karaan mawqifkooda ku wajahan arrimaha aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.