Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalkii Laascaanood iyo Khasaarihii Gaadhay Kooxaha Huwanta

0
2764

Laascaanood (Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood, ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Qaranka Somaliland ay khasaare aad u xoogan gaadhsiiyeen Kooxihii Huwanta, argagixisada iyo maleeshiyaadkii maamul goboleedka Puntland ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad diidka ah ee isku urursaday Laascaanood, ayaa bilaabmay kadib markii kooxaha Huwantu ay madaafiic ku soo tuureen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee duleedka magaaladaasi ku yaala.

Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa ka jawaabay weerarkaasi waxaanay baacsadeen maleeshiyaadkii Huwanta Argagixisada ee soo duulay, iyagoona ciidamada qaranku ay Hubabka culus u adeegsadeen, islamarkaana ay markii ay jabiyeen dufaacyadoodii Laascaanood ay kooxahaasi ka samaysteen.

Waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamada Qaranka Somaliland ay kooxaha Huwanta Argagixisada ee weerarka gaadmada ah soo qaaday ay gaadhsiiyeen khasaare aad u xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan oo shalay ilaa daraad uu xoogiisu ka dhacay Waqooyiga iyo Bariga Laascaanood, ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in xubnaha kooxaha Huwanta Argagixisada ay kaga dhinteen in ka badan 100, iyadoona dhaawacoodu intaa ka badan yahay, iyadoo ay adag tahay inay ka soo kabsadaan.

Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa ay kooxaha huwanta ka qabsadeen Baabuur Tikniko ah, Hub iyo Maxaabiis, halka intoodii kalena ay baxsadeen oo firxadkii magaalada ka baxeen.

Xubnaha maleeshiyaadka ah ee kooxaha Huwanta dagaalka kaga dhintay, ayaa waxaa ka mid ah Cabdirisaaq Iidle (Daroogo) oo maalmo ka hor baraha bulshada la soo istaagay inuu isagu dili doono Taliyaha Qaybta 7aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Waxaana goobihii uu dagaalku ka dhacay wadhan Meydadka Kooxihii Huwanta Argagixisada iyo maleeshiyaadka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ee ay Ciidamada qaranka Somaliland ku laayeen.

Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa inta badan la wareegay magaalada Laascaanood, iyadoona ay ciidanku magaalada ka saareen Kooxihii Huwanta Argagixisada ahaa ee duulaanka ku soo qaaday magaalada.

HargeisaPress News Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here