Cabashooyin Laga Muujiyay Dilal Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
1176

Jigjiga (Hargeisa Press)- Waxaa isa soo taraya cabashooyin xoogan oo ay shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka muujinayaan falal aad u fool xun oo la xidhiidha dilal iyo barakicin oo ay ku hayaan maamulka deegaankaasi.

Qaar kamid ah shacabka ku nool gobollada qaar ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa ka cabanaya qaabka dowladdu u maareyso xalinta isku dhaca beelaha deegaanada qaar iyo arrimo kale.

Dadka magaalada Wardheer, ayaa ka cabanaya in laga barakiciyay deegaanno hoos yimaada maamulkaasi, sida uu sheegay Xasan Daahir oo ka mid ah waxgaradka gobolka Doolo.

Waxaa sidoo kale Ijira warar sheegaya in ilaa iyo afar qof oo shacab ay ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ku dileen agagaarka tuulada Laab ee Degmada Beercaano kaddib muran ka dhashay goob ay dageen dadkaas oo ka soo fogaanayay fatahaadda webiga Shabeele.

Isla gobolka Shabeele ee DDS, waxay dadku ka cabanayaan in lagala wareegay beero ay tabcadeen qoysas ku nool degmada Elele ee gobolkaas, iyadoo talabadaa uu maamulka gobolka u sababeeyay, ka hortagga isku dhac beeleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here