Wararkii U Dambeeyay Ee Dagaal U Dhexeeya Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland oo Ka Dhacay Hadaaftimo

0
826

Badhan (Hargeisa Press) – Dagaal u dhexeeya Ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Badhan, kadib markii uu deegaankaasi uu socdaal ku tagay gudoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland.

Wararka ku saabsan dagaalkan ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalkaasi hase yeeshee ma cada inta uu leegyahay Khasaaruhu.

Sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in Gaadhigii Gudoomiyaha Badhan ee Somaliland ay qabsadeen ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, Laakiinse markii danbe ayay Ciidaanka Qaranka Somaliland ka soo reebeen Gaadhiga oo Badhasaabka oo ay ka carareen maleeshiyaadka maamulka Puntland.

Ilaa iyo hada ma jirto cid labada dhinac ka tirsan oo ka hadlay dagaalkan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalkan kala soco Shabakada Hargeisa Press…

 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here