Hargeysa (Hargeisa Press)- Qoys degan xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa weerar ku qaaday Waraabe, isagoona dhaawac u geystay Hooyo iyo Wiil ay dhashay.
Dhacdadan waraabuhu dhaawaca ugu geystay qoyskaas, ayaa waxaa ay dhacday habeen hore xilli fiid ah.
Waraabaha, ayaa gudaha u galay guriga qoyska, waxaanu dhaawac gaadhsiiyay Hooyo lagu magacaabo Shukri Muxumed Aadan iyo Wiilkeeda oo sanad iyo badh jir ah.
Wiilka yar ayay dhaawacyadu ka gaadheen qoorta iyo garabka, halka hooyadana uu dhaawac fudud ka gaadhay gacanta, waxa ayna sheegtay in waraabuhu isku dayay in wiilka yar uu ka qaato sidaasna uu ku soo gaadhay dhaawucu.
Hooyada, ayaa sheegtay in haatan uu wiilka yar ay xaaladiisu wanaagsantahay, balse ay iyadu weli qabto naxdintii ay ka qaaday weerarka waraabaha.
Qoyskaan, ayaa daggan xaafadda Daami, oo u dhaw doox biyo mareen ah sidoo kalena geedo aad uga baxeen, halkaas oo ay suurtagal tahay in duurjoog badan ku noolaan karaan.
Dhowr jeer oo hore, ayaa dhacdooyin noocaan ahi ka dhaceen magaalada Hargeysa, waxaana ka mid ahaa in libaax uu ku baxsaday magaalada.