Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbul-xaakimka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta Magacaabay Lix Xubnood oo Dhallinyaro ah.
Xubnahan oo ka mid noqonaya Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE u qaabilsan Gobollada Dalka qaarkood iyo weliba Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbigaasi, ayaa Tiradoodu tahay Lix.
Sidaana waxa lagu shaaciyey War-saxaafadeed u qornaa sidan “Kadib markii aan arkay muhiimadda Xilalka hoos ku qoran u leeyihiin hab-sami u socodka hawlaha Xisbiga KULMIYE, waxa la magacaabay xubnahan laga bilaabo maanta oo ay bishu tahay October 01, 2017.
- Cumar Axmed Cumar (Xuuxuule) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil.
- Maxamed Nuur Mooge Shabeel – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
- Maxamed Ibraahim Nadiif – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
- Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
- Cabdifataax Barkhad Cismaan – In manta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Qorshaynta iyo Jaan-goynta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
- Siciid Maxamed Siciid – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE