Shil Baabuur Oo Aad U Naxdin Badan Oo Goor-dhawayd Ka Dhacay Duleedka Magaalada Burco +Khasaaraha Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ka Dhashay

0
2032
Muuqaalka Shilka Baabuurka Oo Aad U Naxdin Badana

BURCO,(HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegaya in shil baabuur oo aad u naxdin badan uu goordhawayd ka dhacay duleedka magaalada Burco.

Shilkan baabuur ee dhacay ayaa ahaa sida naloo sheegay isku dhaca laba baabuur oo kala ahaa gawaadhida loo yaqaano Landcruizer (Calaawi) iyo gawaadhida loo yaqaano waaraadka (Shaamboo).

Waxaana isku dhacan  labada baabuur ay sababeen dhimashada hal qof oo ahaa darawalkii waday gaadhiga calaawiga oo ahaa gudoomiyaha wasaaraddda waxbarashada gobolka Sanaag Marxuum Aniis Saalax Xasan,iyo dhaawaca laba dumar ah oo sida la sheegay la socday gaadhiga calaawiga ah.

Shilkan baabuur ayaa ka dhacay goor dhawayd duleedka magaalada Burco gaar ahaana tuulada Kalasharka oo dhinaca galbeed qiyaas ahaan magaalada Burco u jirta dhawr iyo labaatan kiloomitir una dhaw degmada Qoyta.

Maydkan gudoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag Marxuun Aniis Saalax Xasan iyo dhaawaca labadan qof ee dumarka ah ayaa lasoo gaadhsiiyey cusbitaalka wayn magaalada Burco.

Taliyaha ciidamada Taraafikada gobolka Togdheer Gaashaanle Cabdilaahi Soofadhiiste iyo taliye qaybeedka gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi oo ay shabakada Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay si aan wax uga waydiino shilkan baabuur ee dhacay ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka baxiyaan  shilkaasi baabuur ee khasaaraha sababay.

HargeisaPress News Desk — Burco

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here