War Deg Deg Ah: Dabley Hubaysan Oo Badhtamaha Suuqa Magaalada Burco Dil Toogasho Ah Ku Dilay Nin Darawal Ah + SAWIRRO

0
1044

Burco , (HargeisaPress) —Badhtamaha suuqa magaalada burco ayaa maanta dabley hubaysani ay ku dileen nin lagu magacaabo yusuuf oo ahaa darwaliinta gaadiidka xamuulka qaada ee loo yaaqano “waaraadka”  ee  iskaga kala goosha Puntland iyo Somaliland.

 

Waxaana dableydani ay dileenka ninkan sida la sheegay isagoo ka shaahaynaya maherad ku taala gudaha magaalada burco .

2-29-740x555

Ilaa hada lama garanayo dableyda dishay ninkan iyo sababta ka danbeysay inay dilaan, balse ciidamada booliska gobolka togdheer ayaa iyagu wali ku daba jira soo qabashada dableydi dilka u gaystay marxuun Yusuuf.

7-2-740x381

Sidoo kalena ciidamada CID-da ee gobolka togdheer ayaa iyagu la wareegay maydka marxuunka kuwaasi oo badhitaan ku wada.

 

 

LA SOCO WARARK DANBE….

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here