Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wakaaladda Imtixaanaadka dalka Itoobiya ayaa goor dhawayd sheegtay in dib loo eegayo natiijadii Imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12aad.
Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii cabashooyin badan Wakaaladda uga yimaadeen dhanka Ardayda iyo Waalidiintooda, oo dhakafaar ku noqotay natiijada ay wakaaladdu shaacisay maalinimadii shalay.
Dhinaca kale, Wakaaladda Imtixaanaadka heer qaran ayaa Ardayda ka codsatay inay dulqaad muujiyaan intay dib u eegayaan natiijada oo ay sheegeen in maamlo gudahood ku eegi doonaan.
Wakaaladda ayaa maalinimadii shalay baahisay natiijada imtixaanka fasalka 12aad, taas oo inta badan ardaydu ku qanci waayeen.
WARIYE: XAMSE JIRDE
HARGEISA PRESS.COM
OFFICE HARGEISA