Wajaale, (HargeisaPress) —Waxaa maanta galinkii dambe Gabadh Mayd ah laga Helay Huteel ku yaala Magaalada Tog wajaale ee Gobolka Gabiley.
Waxaa la sheegayaa in Laba Dumar ah Meharad wada lahaayeen oo xalley ay seexdeen Gurigaasi Balse saaka markii albaabka lagu garaacay ay furi waayeen islamarkaana markii meesha loogu tagay la arkay labadii Gabdhood oo midi mayd tahay midna Xaalada Caafimaad daro oo Culusi ay jirto.
Goobjoogayaal ayaa Wargeysja Himilo u sheegay in Ciidamada Booliiska Somaliland Goobtaasi ka qaadeen Gabadhii Maydka ahayd iyo Gabadhii kale iyadoo la geeyay Cisbitaalka Magaalada Wajaale.
Goob joogayaashu waxaa kale oo ay sheegayaa in ciidamada booliisku ay baadhiytaano ka sameynayaan Goobta Falkani ka Dhacay.