Waddani oo sharcidaro iyo dastuur-jebin ku tilmaamay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib

0
1324

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxaa uu ka hadlay xadhiga xukuumadda Somaliland kula kacday Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka mid ah Xildhibaanada aqalka golaha Wakiillada.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa maanta lagu xidhay magaalada Hargeysa, kadib markii laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, xilli uu ka soo laabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Hadaba, Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo goor-dhawayd warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib ku tilmaamay dastuur jebin iyo sharci darro.

Cirro, ayaa eedaymo u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, xeer-ilaalinta iyo maxkamadda sarre, isagoona sheegay in xasaanada xildhibaanka aanu midna ka qaadi karayn.

Wuxuu sheegay in uu reer Awdal ugu baqayo inay ogaadan in Maxamed Abiib yahay xildhibaan qaran oo aanu ahayn xildhibaan gobol oo kaliya, sida uu ku dooday.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ilaa iyo hadda ka hadal xadhiga Xildhibaanka iyo dembiga loo haysto.

Ilaa hada si cad looma garanayo goobta ay xukuumaddu ku xidhay Xildhibaan Maxamed Abiib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here