Waddani oo Iska Fogeeyay In Xidhiidh Ka Dhexeeyo Kooxda Buurta Gacan-libaax

0
1542

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya in xidhiidh ka dhexeeyo Xisbiga Waddani iyo Kooxda gashay Buurta Gacan-libaax.

Guddoomiye Xirsi, ayaa waxaa uu sheegay in aanay taageersanayn islamarkaana aanu wax xidhiidh ahi ka dhaxaynin xisbigiisa iyo kooxda buurta Gacan-libaax.

Xirsi, ayaa ka jawaabay eedo ay dadka qaar kood u soo jeediyaan xisbigiisa, kadib markii ay soo baxday kooxda buurta Gacan-libaax, iyadoo lagu eedeeyo in xisbiga Waddani uu kooxdaasi soo saaray oo uu abaabulay.

Waxaa uu sheegay in xisbigooda iyo kooxdaasi habayaraatee aanay waxba ka dhaxayn, islamarkaana xisbigoodu aanu aaminsanayn kooxdaasi gashay Buurta Gacan-libaax, cidkasta oo tagtaana aanay matalin oo aanay shaqo ku lahayn.

Guddoomiye Xirsi, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in habdhaqanka xukuumada Somaliland ay dadka ku kaliftay in ay cadhoodaan oo ay qoryo qaataan, isaga oo sheegay in booliisku xabad la dhacay dad bannaanbaxayaal ah oo siidhi afuufaya 11, August, 2022.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in waxkasta oo ay xukuumaddu samayso, aanu xalku ahayn in qori la qaato oo la dagaalamo, taasina aanay dan u ahayn xisbiga Waddani, iyo rajada uu ka qabo in uu qabto hoggaanka Somaliland.

Si kastaba, Xisbiga Waddani, ayaa dhowr jeer iska fogeeyay eedaha ah in uu masuul ka yahay kooxda buurta gashay, waxayna sheegeen in ay ka qayb qaadanayaan dadaalkasta oo lagu qancinayo kooxdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here