Waddamada Yurub oo isku mari la’a Qaybsiga Qoxootiga ku Qulqulaya Qaaradda Yurub + SAWIRRO

0
913

Munich , (HargeisaPress) — Dalalka Qaaradda Yurub ayaa isku mari la’ qaybsiga Qoxootiga faraha badan ee ku Qulqulaya dalalkooda, kuwaas oo ka cararaya Colaadaha ka taagan dalalka ku yaalla Afrika iyo Aasiya.

Ra’iisul Wasaarayaasha Waddamada Czech, Poland, Slovakia iyo Hungary ayaa diiday in Midowga Yurub uu u Jaan-gooyo Tirada Qoxootiga ah ee Qaadanayaan si ay Dalalkooda ugu noolaadaan.

_85381811_028870136-1

Ma muuqato calaamad muujinaysa in Midowga Yurub uu isaga soo dhawaanayo Arrinta ku aaddan in si cadaalad ah ay Waddamada Xubnaha ka ah Ururka EU-da u Qaybsadaan Tobannaanka Kun ee Qoxootiga ku ah Soohdimaha Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban ayaa xusay in xiisadda hadda taagan ay qayb ahaan mas’uul ka yihiin Siyaasiyiinta Waddamada Yurub. Isagoo intaas ku daray in Qaar ka mid ah Siyaasiyiintaas ay Qoxootiga ku Dhiirri-gelinayaan in ay u socdaalaan dalalka Galbeedka Yurub.

Qoxootiga_Yurub_ku_Ququlaya_660

Sidoo kale, Dalalka ay Hungary ka midka tahay uu Waajib Sharci ah ka saaran yahay inay joojiyaan Safarrada Qoxootiga Noocaas ah.

 

Hoggaamiyayaasha Afarta waddan ayaa ku tilmaamay hannaanka qaybsiga qoxootiga mid horseedaya in dad badan ay badaha isku soo biimeeyaan ayna Qaarkood ku dhintaan.

_85381323_028868073-1

Middaas badalkeeda Hoggaamiyayaashi ayaa ku talinaya in xoogga la saaro sidii Amniga Soohdimaha Waddamada Yurub loo Adkeyn lahaa iyo ilaalinta Sharafta Nidaamka isku socodka ee ay ku mideysan yihiin inta badan Dalalka Yurub ee loo yaqaano Schengen.

 

Dhanka kale, Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Yurub ayaa soo jeedin in la sameeyo Tareenno Qaas ah oo Qaxootiga Suuriya kasoo daabula Hungry, isla markaana geeya dalka Jarmalka, iyagoo aan ku joogsan doonin Slovakia ama Czech.

 

Ugu dambeyn, Qorshahaas ayaa Waxaa lagu Xiray in Xukuumadda Berlin ay Dal-ku-gal siiso Qoxootiga Dalkeeda la Geynayo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here