Wada-hadaladii Itoobiya iyo Soomaaliya oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday

0
5183

Ankara (Hargeisa Press)- Wadahadaladii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka socday dalka Turkiga, ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaadhin.

Dowladda Itoobiya, ayaa diiday soo jeedintii Soomaaliya ee ahaa in Itoobiya bad laga siiyo marinka badda Hindiya, haddii ay ka noqoto heshiiska ay la gashay Somaliland ee MOU.

Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay dowladda Itoobiya meel adag ka tagan tahay heshiiska MOU ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya, ayaa ku adkaysatay rabitaankeeda dekedda Somaliland, waxayna diiday inay ka noqoto heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay.

Soomaaliya, ayaa iyana ku adkaysatay inaanan wax kale laga hadli karin inta Itoobiya ay ku dhegan tahay heshiiskii Somaliland.

Ismari waaga shirkaasi ka dib, Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay in wada-hadallada wareegga labaad uu dhici doono bisha September.

Geesta kale, Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Qunsulka Guud ee Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Levent Ceri.

Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca ay xukuumadda Somaliland ka qabto arrimo door ah oo saamayn kara xidhiidhka labada dowladood ee Turkiga iyo Somaliland.

Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa cirka isku shareertay ka dib markii ay heshiis is afgarad ah kala saxeexdeen dowladda Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ujeeddadiisu tahay in Itoobiya laga kireeyo saldhig 20 KM oo badda ah muddo 50 sano, isla-markaana ay Somaliland hesho aqoonsi diblomaasiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here