Hargeysa,(HargeisaPress) –Axmed Maxamuud Maxamed oo madax ka soo noqday xilligii dawladdii Siyaad Barre Caasimadda Somaliland ee Hargeysa isla markaana guddoomiye u ahaa guddi loo magaacay habaynta iyo nashqadaynta magaalada Hargeysa iyo bixinta xaafado cusub oo Hargeysa ku soo biira xilligii laga soo noqday dagaalkii dhex maray talisyadii Siyaad Barre iyo Migiste ee 77-KII,ayaa ka war bixiyay markii dagaalkaa laga soo noqday dhul boob ka bilaabmay Hargeysa iyo siday u xalliyeen gudi uu guddoomiye u yahay oo loo magacaabay.
Waxaa kale oo uu wax lagu farxo ku tilmaamay shaqo uu xilligaa qabtay in ay noqotay mid dalka iyo magaaladaba anfacday oo noqotay hannaan degsiimo wanaagsan oo xaafadaha magaalada intii uu ka soo shaqeeyay badankoodu sidoodii u shaqaysay.
Waxaa kale oo uu soo jeediyay in laga fikiro sidii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay ula tartami lahayd caasimadaha caalamka isa markaana loo sameeyo qaabayn wanaagsan oo laga fekero waddooyinka xaafadaha iyo xarumaha caafimaadka iyo dugsiyada iyo garoomada iyo masaajidada intaan dhulka la degin ee aan dadka lasiinin.
Waxaanu sidaa ku sheegay Axmed Dey waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargayska Dawan, Axmed Dey oo arrimahaa ka hadlaya iyo siday halkay wax ka bilaabeenna waxaa uu yidhi. “Markii laga soo noqday dagaalkii 77 kii ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya,waxaa bilaabmay dhul boob baaxad wayn oo lagula kacay dhulkii bannaana ee Hargeysa waxaana soo baxay dad badan oo ciidan iyo shicibba leh oo dhul ay degaan doonaya,markaa waxaan joogay oo aan ka shaqaynayay wershadda kabista ee Hargeysa,arrintii dhul boobku waxay keentay in cid waliba dhul iska oodato oo gacanteeda isku siiso taasina waxay buuq badan ka abuurtay magaalada markaa ka dib ayay madaxdii dawladda Hoose ee Hargeysa iyo maamulkii gobolka ee xilligaasi arrintii iskaga yimaadeen,waxaanay sameeyeen guddi aan guddoomiye u ahay oo loo xil saaray bixinta dhulka iyo nashqadaynta xaafadaha magaalada.
Waxay ahayd hawl aad u baaxad weyn oo u baahan masuuliyad iyo xilkasnimo dheeraad ah isla markaana ka fayaw qabyaalad iyo qof jeclaysi sidaa darteed anigoo taa ka duulaya,ayaan tallaabadii ugu horraysay ee aan qaaday waxay ahayd in aan horta wax kasta ka horrayssiiyo in aan dhulka ka shaqeeyo oo aan waddooyin ka saaro isla markaana aan ka dhigo dhul u kala baxsan dhul la bixiyo iyo dhul isguullo ,xannaano iyo masaajid yeesha,xaafadii ugu horraysay ee aan ku bilaabay waxay ahayd xaafada laanta Hawada ilaa Madaarka,waxaan ku hawl gali jiray afar Cagaf oo lababa maalin ay shaqeeyaan,wax kasta waxaa nagala waynayd in dadkuna si caddaalad ah in ay dhul u helaan iyo in xaafaduhu ay wada yeeshaan isguullo,xannaanooyin sariimad iyo masaajido, qorshaasi si wanaagsan ayuu noogu hir galay,waxaan ku xigsiinay xaafada Iftin(degmada Axmed Dhagax) sidii tii hore oo kale ayaan ugu talo galnay dhammaan xarumihii adeegga dadweynaha aad ayaan ugu farxay markaan tegay xaafadda Haaf London oo la raacay hannaankii aan u dejiyay,waxaa kale oo ka mid ahaa xaafadaha aan xllligaa sida wanaagsan u qorsheeyay xaafada Isha Boorama oo inkastoo meelo badan la cidhiidhyay hadana aan la wada baabiiin sidaan u qorsheeyay.”
Mar uu ka hadlayay Buurta kala jeexan ee galbeedka Hargeysa iyo hannaankii uu u qaabeeyay iyo sida ay hadda tahay ayuu yidhi. “Buurta kala jeexan waqooyigeeda iyo koonfurteedaba si wanaagsan oo cajiib ah ayaan u qorshaynay oo waddooyin badan ayaan ka saaray laakiin waan la yaabay markaan imika tegay ee aan arkay wixii aan ka qabtayba iyadoo la wada baabiiyay oo meeshiiba ay wada dayrar aan kala go,aynba ay tahay oo meel laga boxo oo waddo ahba aan lahayn.”
Mar uu ka hadlayay waddooyinka caasimadda Hargeysa kuwii uu isagu nashqadooda uu lahaa waxaa uu yidhi. “dee xaafadaha oo dhan waddooyin ayaan ka saaraynay laakiin wadada ugu way nee magaalada aan ka bixiyay waxay ahayd wadada marta Star Hotel dushisa ee xaafadda Maxamed Mooge halkaa ka gasha oo aan ugu talo galay in ay magaalada Hargeysa ku soo wareegto,waxaa kale oo aan aad u illaaliyay dhulkii Madaarka Hargeysa oo aan xilligaa sida uu maanta casriga u yahay aan casri iyi caalami midnaba aan u ahayn,marka aad wax qabanayso waxaa ugu wanaagsan in aad ka fekerto in waxaad qabanaysaa uu shaqeeyo qarniyo badan oo loo aayo wax qabad aad daacad ka tahayna lagaa dhaxlo markaa sidaas anigoo aaminsan ayaan kaga shaqaynayay Hargeysa,dadka aan dhulka sinaynay laba nooc ayay ahaayeen qayb shicib ah oo ay noo soo gudbiso dawladda hoose ee Hargeysa iyo qayb ciidan ah oo ay noosoo gudbiyaan madaxda ciidanku,dadkii madaxda ahaa ee aan soo wada shaqaynay ee aan dhulka xilligaa siiyay waxaa ka mid ahaa sarkaal aad u qiimo badnaa ALLE ha u naxariistee Cabdi Faarax Caateeye oo dadku ay naanaystiisa aad ugu yaqaaneen ay ahayd Cabdi Malaw.”
Ugu dambayn waxaa uu sheegay Axmed Dey oo waayo arag ah talyaaniga iyo raashiba wax ku soo bartay in uu diyaar u yahay isagoo aan cidna waxba kaga doonayn wixii talo ah ee ay uga baahdaan madaxda dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ee la xidhiidha khibraddiisa iyo waaya aragnimadiisa in uu uga faa’iideeyo waxaanu wax lagu farxo oo guulu ah uu ku tilmaamay shaqo uu soo qabtay muddo sanado badan ka hor ah in uu arko intoodii badnayd oo lagu camal falay oo sidoodii u shaqaysay.
Waxaanu intaa ku daray in shaqo kasta oo sida ugu wanaagsan ee ugu daacad san uu qofku u qabto in ay noqonayso mid sii jirta oo hir gasha laakiin haddii danta gaarka ah amamid qof jeclaysi ama qabyaaladi in uun qofka masuulka hadday gasho in shaqo kasta oo wacan oo uu qabto ay baabiin karto taasoo uu tilmaamay in ay tahay wax loo baahan yahay in laga fogaado.