Hargeysa, (HargeisaPress) —Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa markii u horaysay ka hadlay xaaladiisa caafimaad, waxaanu sheegay inuu jiro xanuun, isagoo xusay in xanuunku nolosha ka mid yahay.
Abwaan Hadrawi, oo isagoo Burco jooga u waramay telefishanka Star, waxa wejigiisa laga dareemayay inaanu jirin nabar xanuun ah oo ku mudani, “Waa qof iyo aragtidiisa, waxa laga yaabaa dadku isku wada mid maahee midba inuu dhinac iga arkayo. Waan xanuunsanayaa adeer, laakiin adeer xanuunku waa jiraa oo nolosha ayuu ka mid yahay, ama waa loo dhintaa ama waa laga bogsadaa oo xanuunku waa wax nolosha ka mid ah, weliba qofku hadduu da’daas gaadho xanuun ma waayo laakiin tusbaxaas ayaan u sidanaa. Xaalad kasta oo kugu timaada tusbaxaas ayay u baahanathay inaad Alle sugto oo aad Alle barido markaad is garan weydo. Alle waa deeqsi.”
Abwaan Hadraawi, wuxuu hadal ku soo ururiyay “Alle wuxuu yidhi waar I barya aan idin jawaabee.”
Wuxuu dardaaran u diray guud ahaan dhallinyarada o uu kula dardaarmay inay raganimo sameeyaan oo ay dedaal iyo aqoon la yimaadaan si ay dunida ula jaan qaadaan.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP