“Waa Inaynu U Midownaa Sidii Somaliland Uga Badbaadin Lahayn Xulufada Siyaad-Barre”

0
1877
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Cali Waraabe, ayaa waxaa uu baaq culus u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland.

Faysal Cali Waraabe qoraal ku baahiyay boggisa Twitter-ka, ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay u midoobaan Kooxaha Xulufada huwanta ee isa soo baahaystay ee ku soo duulay qaranimada iyo nabad-geliyada Somaliland.

“Waa in aan u midownaa sidii Somaliland uga badbaadin lahayn wuxuush taas isa soo baahaystay.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in qalalaasihii ka dhacay magaalada Laascaanood ay ka faa’iidaysteen kooxo la fikir ah keligii Taliyihii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre.

“Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here