“Waa in qaranka si daacad loogu addeego…”

0
321

argaysa (HP): Guddoomiyaha golaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto ilaalinta, iyo wada jirka qaranka.

Waxaanu sheegay in nabad, barwaaqo, iyo horumar lagu gaadhi karo inagoo gacmaha is wada qabsana, oo si daacad ah dalkeena ugu adeegna.

Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu sidan ka sheegay khudbad ka jeedinayay munaasibadda loogu dabaal degayay xuska 18-ka May, oo xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland ee magaaladda Hargaysa.

Geesta kale guddoomiye Saleebaan, wuxuu aad u amaanay ciidamadda qaranka JSL oo uu ku tilmaamay in ay mar walba heegan u yihiin difaaca qaranimadda.

DAAWO: Khudbadii Gudoomiyaha G.Guurtida Somaliland:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here