Hargaysa (Hargeisa Press.com): Ururka Haweenka ee VOSOMWO, ayaa kulan lagaga hadlay dhibaatada uu tahriibku leeyahay waxa uu u qabtay hablo dhalinyaro ah oo iskaga kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagula dardaarmay inay ka fogaadaan waxyaalaha ku dhalinkara in maskaxdooda ay gasho Tahriibku.
Kulankan loo qabtay hablahan oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday dowladda Somaliland iyo Ururka VOSOMWO, ayaa ka qabsoomay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa shalay, waxaana ugu horayn kulankaasi ka hadashay marwo Hibo Maxamuud oo ah Agaasimaha Ururkan Haweenka ee VOSOMWO.
Waxaanay hadalkeeda ku bilawday; “Aad baad u mahadsan tihiin, maadaama oo aad ka timaadeen dhammaan xaafadaha magaalada Hargeysa oo dhan, kulankeenan waxa aynu uga dan leenahay tahriibka, waxaana aynu ognahay in tahriibku uu yahay aafo qaran oo maanta saameeyey dhammaan bulshadeena da’yarta ah ee u soo kacaya dalka.”
Waxayna intaas ku dartay; “Kulankan waxa qabanqaabinaya anaga oo ah Ururka VOSOMWO oo ah urur maxaliya oo ka shaqeeya arrimaha bulshada, gaar ahaana arrimaha dumarka iyo hablaha dhallinyarta ah, waxa kale oo Fun-garaynaysa ama maalgelinaysa Dalladda SIXA oo ah dallad ay ururo tiro badan isugu tageen oo u shaqaysa dhammaan Ururrada dumarka.
Markaa SIXA aadbay ugu mahadsan yihiin, maadaama oo ay nala garab galeen kulankeenan, idinkuna aadbaad u mahadsan tihiin, maadaama oo aad ka soo qaybgasheen oo aad na ixtiraamteen oo wakhtigiinana aad noo hurteen, anaguna mar walba ka VOSOMWO ahaan waxaannu u taagannahay oo aannu idinla garab taagannahay in aannu wax idinla qabano, idinkuna aad nala shaqaysaan si aannu wax idiinla qabano si aynu u noqono bulsho hal mid ah oo wada shaqaysa.”
Sidoo kale, Mr. Shabac Cabdi Maxamed oo ah Madaxa Cilmi-baadhista ee Ururkaasi oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi; “Waad ku mahadsan tihiin dhammaanba ka soo qaybgalayaasha ka soo qaybglaay barnaamijkan hablaha lagaga wacigalinayo arrimaha tahriibka, waxaana halkan aannu iska waraysanaynaa anaga iyo ururka VOSOMWO iyo habalaha halkan jooga oo qaar badan oo ka mid ahi ay tahriib galeen. Markaa sida ay dad badani isla qaateen tahriibku waa aafo qaran oo saamaysay Somaliland oo kaliya maahee wadammada Afrika oo dhan iyo qaybo ka mid ah qaaradda Asia iyo qaybo ka mid ah wadammada Latin America, markaa ha moodin in innaga oo kaliyii aynu tahriibno.”
“Waynu ognahay in dhallinyaro badan ay tahriibto ee maxaa aynu hablaha oo kaliya u soo xulanay? Dal waliba hablaha si gaar ah ayuu u ilaashadaa, waana warshad gaar ah, waa wax-soo-saar gaar ah, dal kastaa uu ku faano hablihiisa, markaa anagu waxaanu si gaar ah awoodda u saaraynaa hablaha Somaliland si aynu meesha uga saarno fikradda ah in la tahriibo,” ayuu yidhi Mr. Shabac Cabdi Maxamed.
Dhinaca kale, marwo Hoodo oo ka socotay Hay’adda Baro-kacayaasha Somaliland oo iyaduna ka warantay xaaladda tahriibka dhallinyarada iyo heerka uu marayo tahriibku, waxayna tidhi; “Aniga oo ka socda Hay’adda Baro-kacayaasha Qaranka Somaliland, waxa hay’adda Baro-kacayaasha ka mid ah waax dhan oo xoog uga shaqaysa arrimaha tahriibka.
Taasoo anaga dhan walba naga saamaysa, inamada (wiilasha) ha noqoto ama hablaha, ciddii tahriibaysana ama na dhex maraysana anagu aanu kolay xogogaal u nahay, cidda soo noqonaysa ee dhallinyarteenana aannu xogogaal u nahay.”
Waxayna intaas ku dartay hadalkeeda; “Sideedaba tahriibku waa aafo qaran, waana cudur qofka bani’aadamka ah sida uu duraygu ugu dhaco ugu dhaca, qof kasta oo bani’aadam ahi, maalinta uu niyadda galiyo inuu tahriibo, wuu tahriibaa ama fikir qof kale ha ku arko ama cid kale ha ku guubaabiso ama isaga laftigiisa ha ka yimaado ama dhaqaale-darro ha sababtee.
Sababtoo ah waxa keenaa waa cudurkaas qofka bani’aadamka ah qalbigiisa hal mar gala, waa jirta dad badan oo inta badan ina soo dhexmara oo tahriibayaal ah, kuwaas oo aan kuu sheegi karin yoolkoodu halka uu yahay, way soconayaan waxa ku jira hablo yaryar.
Waxa ku jira inamo yaryar waxaad arkaysaa iyagoo socda Buurta Sheekh oo aan garayn inay libaaxyo joogaan iyo in kale.”
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.