Frankfurt, (HargeisaPress) — Ururka Dhalinyarada Somaliland ee Wadanka Germany Shaahado sharafyo gudoonsiinay Gudoomiyaha Xisbiga cadaaalada iyo daryeelka Eng.Faysal cali waraabe iyo Wasiirka qorshaynta qaranka Dr. Sacad Ali Shire iyaga oo hawlo shaqo u jooga wadanka jarmalka iyo waliba fanaanada Ama abwaanada qaranka Sahra caydiid.
shahaado sharafyadan oo ay soo diyaariyeen ururka dhlinyarada somaliland SYDA ee jarmalka ,halkaas oo aan gudoomiye ahaan ku gudoonsiiyay madaxda qarakeena oo shahaado iyo wax ka badan ba u qalma ,waxa aan u mahadnaqayaa marka hore hogaanka ururka dhalinyarada Somaliland ee waanka jarmalka oo markasta ku hawlan barbar istaaga qarankooda.
Geesinimada ugu awooda badan waa inaad awood u hesho in aad shaahado sharaf u hadyeyso madaxda qarnakaaga oo mudan in loo hadyeeyo laguna hambalyeyo wax qabadka iyo dadaalka ay ugu jiraan qarankeena inuu ictiraaf iyo horumar gaadho oo uu caalamka wax la qayb sado Soomaaliduna waxay tidhaahdaa ” Waa maalmo duniduye, iska reeb xusuus wacan”. Maanta waxaad ku bixiso wakhtigaaga iyo sida aad u barbra istaagto qarankaaga waa wax taariikhda kuu galaya taariikhduna iyadaa is qorta .markaa waxaan ku soo afmeerayaa qormadan Reer somaliland guushiinu waa ii guul Arlada goob aan joogaba.
Cabdikariim Qoorgaab – Frankfurt, Germany