Hargaysa (HP): Urur siyaasadeedka Waaberi ayaa maanta shuruuda madax taabashadda 1000 ka fuliyay magaaladda Hargaysa.
Waxaanu si weyn u muujiyay xududiisa taageero ee shacabka Hargaysa, taasoo lagi qabtay garroonka Kubbadda Kollayga Tima Cadde, ee caasimadda Hargaysa.
Hawsha fulinta madax taabashadda ururadda siyaasadda oo maanta ay ahayd maalintii labaad ayaa urur siyaaaadeedka Waaberi waxa uu si weyn ugu soo bandhigay tiro taageereyaashiisa ah oo aad u fara badnaa.
Goobta ay madax taabashadda 1000 qof ee ururka Waaberi ka qabsoontay waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha ururka Waaberi C/rasaaq Ataash, iyo masuuliyiinta kale ee ururkaasi oo uu ka mid ahaa xog hayaha warfaafinta ee ururka Waaberi Maxamed Faarax Miigane.
DAAWO: Urur Siyaasadeedka Waaberi oo cududiisa ku soo bandhigay Hargaysa:
Geesta kale guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waaberi C/rasaaq Ataash, ayaa u mahad celiyay taageereyaashii faraha badnaa ee sida weyn u soo buux dhaafiyay garroonka Tima Cadde.
DAAWO: Gudoomiye Urur Waaberi oo u mahad celiyay shacabka Hargeisa:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.