Urur Siyaasadeedka Ogaal iyo taageerayaashiisa oo la midoobay Xisbiga Kulmiye

0
1024

Hargeysa (Hargeisa Press)- Urur siyaasadeedka Ogaal oo ay horkacayso Guddoomiyaha ururkaasi Rooda Cabdi Muuse, madaxda kale ee ururka iyo taageerayaasha ururka, ayaa maanta si rasmi ah cududdooda ugu biiray xisbul-xaakimka Kulmiye oo ay hore heshiis u wada galeen.

Munaasibadda ay ururka Ogaal kula midoobeen xisbiga Kulmiye oo ay ka qaybgaleen xubno kamid ah hoggaanka sare ee Kulmiye, Wasiirro, Xildhibaanno, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, haldoor, waxgarad iyo taageerayaal tiro badan, ayaa lagu soo dhaweeyey ururka Ogaal iyo taageerayaashiisa.

Waxana munaasibada laga jeediyey hadallo salka ku haya cududda cusub ee xisbiga KULMIYE ku soo korodhay iyo sida ay wax badan uga tarayso halganka uu xisbiga KULMIYE ugu jira inuu ku guulaysto tartanka madaxtinimo ee soo socda.

Ugu horrayn qaar ka mid ah madaxda dhaqanka oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay midnimada dhexmartay Ogaal iyo Kulmiye.

Waxana ay dhamaantood si weyn u bogaadiyeen masuuliyiinta ururka iyo kuwa xisbiga ee gartay inay midoobaan.

Qaar ka mid ah madaxda ururka Ogaal oo halkaas ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inay dhisayaan murrashaxiinta xisbiga Kulmiye, isla-markaana hiil iyo hooba la garab geli doonaan sidii uu xisbiga Kulmiye ugu guulaysan lahaa mar kale talada dalka.

Rooda Cabdi Muuse, Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Ogaal oo iyaduna munaasibada hadal ka jeedisey, ayaa waxaa ay sheegtay in ay cod iyo hiilba la garab taagan tahay xisbiga Kulmiye iyo isla-markaana ay dhisayso Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa soo dhaweeyey cududda cusub ee ku soo korodhay.

Waxana uu sheegay inay tamar cusub ku soo kordhin doonaan taageerayaashani quwaddii hore ee xisbigu lahaa.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here