Bali-gubadle (HP): Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Hawd ayaa maanta ka qeyb galay daahfurka ururka mustaqbal oo lagaga dhawaaqay magaaladda Bali-gubadle.
Qaar ka mida dhalinayarada ku midawday ururka mustaqbal ayaa ka waramay ujeeddada ay u asaaseen ururkan.
Waxaanay sheegeen inuu ka shaqayn doono arrimaha bulshada gaar ahaan bulshada danyarta ah.
Masuuliyiintaasi ayaa intaas ku daray in maamulka gobolka ay kala shaqayn doonaan arrimaha kaabayaasha horumarka ee gobolka.
Gudoomiyaha gobolka Hawd Axmed Yaasiin Maxamed Faarax iyo maayarka degmada Balligubadle Maxamed Cabdi Muxumed Shiine, oo iyadgna halkaa ka hadlay ayaa sheegay iyaguna dhankooda sheegay inay soo dhawaynayaan ururka Mustaqbal.
Waxaanay intaas ku dareen inay dhiirgelinayaan cidkasta oo isu taagta inay u adeegto bulshada ku dhaqan gobolka Hawd.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.