Ururrada Siyaasada oo U Jawaabay Xisbiyada Mucaaradka

0
847

Hargeysa (Hargeisa Press)- Urur siyaasadeedyadda cusub ee Somaliland ayaa xisbiyada mucaaradka ugu baaqay in ay u hogaansamaan qaraarka maxkamada dastuuriga ah ee ku aadan furista urrurada siyaasada.

Guddoomiyeyaasha shan ka mid ah urur siyaasadeedyadda Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in doorashadda ururadda siyaasadu ay wakhtigeedda dhacayso, isla markaana dalka la wada leeyahay oo aanay laba xisbi masiirkiisa ka talin karin.

Guddoomiyaha Urrur Siyaasadeedka Waabari Cabdirisaaq Ibraahin Ataash iyo guddoomiyaha urrur siyaasadeedka Hilaac Axmed Ismaciil Samatar, oo ku hadlay afka urrur siyaasadeedada 5-ta ah, ayaa sheegay in aanu jirin madaxweyne Somaliland boqor ka noqonaya, loona baahanyahay in aan mudaharaado kale la samayn.

Waxaanu yidhi Ataash.”Dhawaaqyadii ugu danbeeyay ee soo baxayay ee ka imanayay xisbiyada mucaaradka, waxay ahaayeen kuwo warwarkooda leh ma mudna madaxweyne aan dalkan joogi doonin oo aan boqor ka noqon doonin, in wixii cishadii dhawayd dhacay ay dib inoogu soo noqdaan”.

Guddoomiye Samatar, ayaa dhankiisa sheegay in dhalinyarada Somaliland mustaqbal u baahantahay, iyo in aan laysku dul qabsan, mustaqbalkaana lagu xaqiijin karo in la raaco soojeedinta maxkamada sarre iyo golayaashii sharci dajinta ee kala danbeeyay.

Waxaanu yidhi.”Si mustaqbalka loo xaqiijiyo waxaanu usoo jeedinaynaa mucaarad iyo muxaafadba, in loo hogaansamo oo la raaco hay’addihii waddanka ugu waa waynaa hadalkaa ay soo jeediyeen, meel kale oo umadi ay tagtaa ma jirto”.

Waxa uu sheegay in xeerka furista urrurada siyaasada, ay ansixiyeen golihii wakiillada ee hore, golaha hadsa joogaana ay markale meel mariyeen, kadibna golaha guurtidu qalinka ku duugeen, maxkamadda sarre iyo madaxweynuhuna ay socodsiiyeen.

Waxay sheegeen in aanay garanayn meel kale oo dood la geeyo marka intaasoo hay’addood meel mariyeen xeerka furista urrurada siyaasada, waxay ay sheegeen in loobahanyahay in umadu u hogaansato xeerarka hay’addaha dastuuriga ah oo aan muran la galin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here