Ujeedka Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland iyo Safiirka Midowga Yurub

0
1727
Hargeisa (Hargeisa Press) –Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midowga Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez iyo wafti uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid xarunta Maxkamadda Sare ee dalka Somaliland.

 

Kulanka oo safiirka iyo guddoomiyuhu iskaga xog waraysteen arrimo la xidhiidha xaalada dalka, gaar ahaan arrinta doorashada oo dhawaan maxkamadda Dastuuriga ah ee dalku, go’aan ka soo saartay kaasi oo u gogol xaadhayay in doorasho dalka ka qabsoonto, ayaa Safiirku xusay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ay la leeyihiin Somaliland. Gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka, waxaanu ku bogaadiyay horumarka la taaban karo ee muddooyinkii u danbeeyay garsoorka qaranku ku talaabsaday iyo dedaalka loogu jiro in si wax-tar leh loo fidiyo adeega cadaaladdeed ee ay bulshada u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa geestiisa Midowga Yurub ku dhiirigaliyay sii wadida iskaashiga soo jireenka ah ee Midowga Yurub iyo Somaliland ay waddaagaan gaar ahaan guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay xaq u leedahay in ay Midowga Yurub ka hesho qoondada ay ku leedahay ee ku saabsan kaabayaasha bulshada sida dhismayaasho oo uu tibaaxay in baahi dalku u qabo kordhinta dhismayaasha garta lagu qaado bari iyo galbeedba.

Ugu danbayn guddoomiye Aadam waxa uu safiirka uga mahadceliyay kaalmada iyo xidhiidhka wanaagsan ee ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka iyadoo mashruucii u danbeeyay ee EU-du bixisay uu ahaa mid la xidhiidha sharciga iyo kala danbaynta (Rule of law) kaasi oo ay soo mariyeen UNDP-da kana faa’iidaysan doonaan hay’addaha Garsoorka, Booliiska, Asluubta, Wasaaradda arrimaha gudaha, Wasaaradda cadaaladda, Komishanka xuquul insaanka, ururka qareenada iyo kaalmada adeega bilaashka ah ee dadka qareenada bilaashka ah loo qabanayo ee ay bixiyaan jaamacadduhu, mashruucaasi oo dhankooda ka soo dhamaaday sidii loo dadajin lahaa, loona kordhin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here