Hargaysa (HargeisaPress.com): Xisbiyadda mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ayaa canbaareeyay xayiraadda ay xukuumadda Somaliland saartay telefishanadda Horyaal iyo Eryal, oo saaka la xidhay xarumahoodda Hargaysa.
Waxaanay sharci darro ku tilmaameen in la xidho labadaas Tv, isla markaana ay ciidamo la wareegaan xarumahoodii.
Xoghayaha difaaca xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), iyo xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa ayaa nasiib darro ku tilmaamay falkaasi ay xukuumadu ku xidhay labadaas TV.
Halkan Ka Daawo Masuuliyiinta UCID iyo Waddani Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:
https://youtu.be/VLS1gtjHGFU
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.