Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Kormeeray Jidka Isku Xidhaya Boorama iyo Lawyocade

0
854

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriaydda Somaliland iyo wefti uu hogaaminayo oo maalintii labaad safar shaqo ku jooga magaaladda Boorama ayaa maanta soo kormeeray wadadda isku xidhaysa Boorama iyo Lawyocade oo dhismaheedu socdo.

Waxaana madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirrada la socday uga warbixiyay dhismaha jidkaasi iyo halka ay wax u marayaan masuuliyiinta hay’adda maxaliga ah ee ASARDA oo gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo  hadal ka jeediyay kormeerka uu jidkaasi ku soo maray  ayaa u mahad celiyay hay’adda ASARDA iyo cid kastoo hawshaasi kala shaqaysay-ba.

Waxaanu tilmaamay in   bulshadda gobolka Awdal xukuumadihii xisbiga Kulmiye ee xukunka u kala danbeeyay ay u balan qaadeen in ay gacan ka gaysanayaan dhismaha jidkaasi.

Waxaanu yidhi  “Aad baan u hanbalyaynayaa hay’adda ASARDA iyo intii hawshaa kala shaqaysay-ba. Balanta labadii madaxweyne ee xukunka isaga danbeeyay ee xisbiga Kulmiye, labadu-ba way idiin balan qaadeen.

Madaxweynihii hore (Siilaanyo) dhagaxa ayuu dhigay, kii danbe-na (Muuse Biixi) wuu idiin balan qaaday  oo wuxuu yidhi wadadda Ceerigaabo markay soo dhamaato halkan ayaa loo soo wareegayaa.

Sidii ayay balantu u taagan tahay. Inta ka horaysa-na, kolba wixii la awooddo sidaa aad sheegteen ayay dawladu ku taageeraysaa”.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa kaloo uu ka sheekeeyay qiimaha ay leeyihiin wadooyinku iyo sida ay uga qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka. Waxaanu ydihi “ Waddadu qiimaha ay leedahay waxa weeyaan ganacsigay dardar gelisaa, magaalooyinkay noolaysaa, Caafimaadka aya qayb ka tahay.

Meel maanta oo dhan Ummusha lagu soo sidi lahaa laba ama  saddex saacadood ayaa lagu gayn karayaa nusasaace. Markaa runtii aad baan u hambalyaynayaa ASARDA iyo intii hawshaa kala shaqaysa-ba”.

C/raxmaan Saylici, ayaa  carabka ku dhuftay in gaabis uu ka jiro dhinaca dadka gobolka u dhashay sidii dhismaha jidkaasi loo dar-dar gelin lahaa, isla markaana bulshadda degaanku uga qayb qaadan lahaayeen ay ka mid tahay u jeedadda safarka uu ku joogo Boorama.

“Dedaalka dawladu ma yara. Laakiin,  kolay dedaalku xagiina (bulshadda Awdal)  ayuu ka gaabinayaa. Waanan ka wada hadli doonaa, oo hawlaha aan u nimid ayay ka mid tahay. Fadhiga ayaanan ku sheekaysan doonaa,  sidii aynu inagu waxqabadkeena iyo bulsho ahaan intay qabsan karaysay, loo dar-dar gelin lahaa, ee loo xoojin lahaa.

Waanu u soconaa taas oo fadhiga ayaynu ku sheekaysan doonaa.  Dedaal ayuun baana inaga saaran”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka ayaa  ugu baaqay bulshadda gobolka Awdal in ay u midoobaan  ka qayb qaadashadda mashaariicda horumarka, waxyaabaha kale ee dhexdoodda ahna ay meel iska dhigaan.

C/raxmaan Saylici oo la dar-daarmayay dadka reer Awdal waxa uu yidhi  “In aynu wixii horumar ah isku kaashano, oo aynu waxa kale oo dhan isaga baxno, oo aan horumarka u jeedsano ayaan maanta idiinku nimid, iyo wixii kale ee maamul ah.

Waayo? maamulku mar walba wuxuu u baahan yahay in la isaga yimaado, oo la giijiyo, oo wixii culays ah ee haysta gobolka iyo degmada-ba la isla eego.

Arrimahaas sidii la iskula eegi lahaa ayaan u nimid Boorama. Maanta-na (shalay) shirarku way noo bilaabmeen, dhawr cisho oo danbe-na waan idinla joogaynaa”.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa isla maanta waxa uu kulan saacado qaadatay kula yeeshay Xxarunta dawladda hoose ee Boorama maamulka gobolka ka degmada iyo guud ahaanba masuuiyiinta laamaha dawladda ee gobolka Awdal.

Kulankaasi ayaa lagu  naaqishaayay,  isla markaana warbixino kala duwan uu madaxweyne ku xigeenku kaga dhegaystay masuuliyiinta laamaha kala duwan ee heer gobol iyo heer degmo.

Sidoo kale  qaar ka mida masuuliyiinta hay’adda maxaliga ah ee ASARDA oo madaxweyne ku-xigeenka weftiga la socday uga warbixinayay hab-sami u socodka dhismaha jidkaasi  ayaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uga mahad naqay kormeerka uu ugu yimid.

Waxaanay sheegeen in dhiiri gelin weyn ay u tahay kormeerka uu madaxweyne ku-xgeenku ugu yimid, isla markaana ay tusayso sida ay madaxda qaranku uga war hayaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa safarka uu Boorama ku joogo ku wehelinaya wasiirka Beeraha Axmed Muumin Seed iyo wasiirka  ganacsiga iyo wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).  Waxaana kormerka shalay ku wehelinayay badhasaabka gobolka Awdal iyo maayarka Boorama.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY