Jabuuti (HP): Madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta qaabiley wefti ka socda Puntland oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamulkaasi.
Weftiga ka socda dhinaca Puntland ee uu hogaaminayo madaxweyne Siciid C/laahi Denni, ayaa gelinkii danbe ee maanta gaadhay magaaladda Jabuuti.
U jeedadda safarka weftiga Puntland ee Jabuuti ayaa lagu sheegay in uu la xidhiidho iskaashiga ka dhexeeya Jabuuti iyo maamul goboleedka Puntland.
Waa kulankii u horeeyay ee ay yeeshaan madaxweyne Geelle, tan iyo intii uu xukunka qabtay madaxweynaha Puntland.
https://youtu.be/U_VZ2a3vSaE
Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.