Turkiga oo ugu baaqay reer galbeedka inay qaadaan tallaabooyin ka-dhana Israa’iil

0
375

Istanbul (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in weeraradii ka dhacay Lubnaan toddobaadkan ay muujinayaan in dowladda Israa’iil ay qorshaynayso inay dagaalka ku baahiso gobolka, isagoo ugu baaqay waddamada reer galbeedka inay qaadaan “tallaabooyin lagaga hortagayo” falalka Israa’iil.

Erdogan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in dagaalka Israa’iil ee Qaza uu ugu horreeyo ajandaha khudbadda uu ka jeedin doono shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay maanta oo Salaasa ah.

“Si aan gobolkeenu uga dhicin masiibo weyn, waa in cadaadiska Israel lagu sii kordhiyaa,” ayuu Erdogan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul.

Waxa uu ka hadlayay weeraro ka dhacay Lubnaan todobaadkan, oo ay ku jiraan qaraxii xubnaha Xizbullah pageers iyo Walkie-talkiyada oo ay ku dhinteen 39 qof.

Weerarada loo adeegsaday aaladaha isgaadhsiineed, ayaa aad loo aaminsanaa in ay fulisay Israa’iil, mana ayna xaqiijin in ay ku lug leedahay, mana beenin.

“Waxaa la joogaa wakhtigii dhammaan dalalka leh hadafka ilaalinta nabadda adduunka ay la yimaadaan xalal joojinaya Israa’iil,” ayuu yidhi Erdogan.

“Si loo soo afjaro dulmigan socday ku dhawaad ​​hal sano, si loo sameeyo xabbad-joojin joogto ah iyo in la hubiyo socodka gargaarka bini’aadantinimo ee aan xannibnayn, dhammaanteen, adduunka oo dhan iyo gaar ahaan Qaramada Midoobay, waxaan leenahay waajibaad muhiim ah,” ayuu yidhi.

Turkiga, ayaa cambaareeyay falkii Israa’iil ee Gaza oo ku yimid aargoosi weerarkii Xamaas ee Israa’iil Oct.7.

Israa’iil waxay sheegtay in ilaa 1,200 oo qof lagu dilay weerarka, in ka badan 250 qofna lagu qafaashay. Weerarkii xigay ee ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen marinka Qaza, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 41,000 oo falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee gobolkaasi.

Ankara, ayaa sidoo kale joojisay dhammaan ganacsigii kala dhexeeyey Israa’iil, waxayna gudbisay codsi ah in ay Koonfur Afrika ku soo biirto dacwadda maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Israa’iil ku eedaysay xasuuq. Israa’iil ayaa marar badan iska fogeysay eedeymaha kiiska ee ah xasuuqa oo ay ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here