Turkiga oo soo jeediyay in deked badeed la siiyo Itoobiya

0
1112

Ankara (Hargeisa Press)- Dowladda Turkiga oo weli ku howlan xalinta xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa sameeyay soo jeedin cusub.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa muujiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in Itoobiya ay hesho marin badeed, isagoo sheegay in dalkiisu uu ka shaqeynayo heshiis guud oo ku habboon labada dhinac.

Fidan waxa uu carabka ku adkeeyay in  in baahida ay Itoobiya u qabto badda lagu gaadho hab nabadeed.

“Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn oo ay ku nool yihiin dad aad u badan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin ganacsiga badda,” ayuu yidhi Fidan oo sheegay in tani ka dhigeyso gelitaanka badda mid muhiim u ah danaha dhaqaale ee Itoobiya.

Turkiga, ayaa haatan dadaal badan ku bixinaya sidii Itoobiya iyo Soomaaliya u gaadhi lahaayeen heshiis, xilli ay fashilmeen wada-hadalladii u dambeeyay ee Turkiga uu gadhwadeenka ka ahaa.

Ankara, ayaa xaqiijisay in ay la shaqeynayaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso arrintan, iyadoo ujeedadu tahay in la gaadho heshiis guud oo qanciya dhammaan dhinacyada, si gobolka u noqdo mid xasiloon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here