Turkiga oo si Cadho leh jawaab uga bixiyay hanjabaadda Mareykanka

0
1378

Istanbul,TURKEY —Turkiga ayaa si cadho leh uga jawaabay hanjabaadda madaxweyne Trump ee ah inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weeraro xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama Suuriya. Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu ciidamadiisa ka joogo Suuriya uuhalkaasi kala soo baxo.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in hadalka Trump ay muujineyso cadaadiska Trump ee saran eek u wajahayo dalkiisa.

Wuxuu sheegay in aysan habooneyn in xidhiidhka saaxibtinmo ee ka dhexeeyo Turkiga iyo Mareykanka aanan looga hadlin baraha bulshada.

Ibraahim Kalin oo ah afahayeenka madaxweynaha Turkiga Regep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay filayaan in Mareykanka uu qaddariyo saaxibtinimada kala dhexeeyso ee dhanka iskaashiga gobolka.

Erdogan: Lama aqbali karo farriinta Mareykanka ee difaaca Kurdiyiinta

Qoraallo is xig-xigay uu barta Twitter-ka kusoo qoray madaxweyne Trump wuxuu sheegay in booqashada xoghayaha arrimaha dibadda uu ku marayo gobolka bariga dhexe ay aag nabdoon u abuureyso maleeshiyaadka Kurdiyiinta si aanan weerar loogu qaadin.

Mareykanka wuxuu maleeshiyaadka Kurdiyiinta ugu baaqay inaysan dandaansanin Turkiga.

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here