Todobaadka Sayniska Afrika oo Laga xusay Somaliland

0
873

Hargeysa (Hargeisa Press)- Munaasibadan lagu xusayay todobaadkan Sayniska Afrika ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Waxaana xuskaasi ka soo qayb galay wasiirka isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada, masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashada, dhallinyarada ururka Barkulan.

Ardayda Jaamacadaha dalka iyo dhallinyarada hal abuurka leh iyo guddoomiyaha machadka xog ururinta Sayniska iyo Injineerada Somaliland.

Furitaanka xuska munaasibadan ugu horayn waxa ka hadlay Injineer Cismaan Axmed Faarax, waxaanu sheegay in xuska maalinta toddobaadka Sayniska Afrika ay ka wada qabsoomi doonto 11 dal oo Somaliland ka mid tahay.

Eng. Axmed, ayaa tilmaamay in ay tahay markii ugu horraysay ee Somaliland fursad u heshay inay qayb ka noqoto ururka Saynisyahanadda iyo Injineerada ee Qarrada Afrika.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada Somaliland Cabdiweli Sheekh, ayaa soo dhaweeyay xuska toddobaadka Sayniska ee Afrika, isla markaana tilmaamay in fursadani ay tahay mid ay ka faa’iidaysan doonaan dhallinyarada hal abuurka leh ee xagga tiknoolijiyada.

Waxaanu wasiirku u mahad naqay guddoomiyaha Machadka xog ururinta Sayniska iyo Injineerada Somaliland (Somaliland Stem), Cadnaan Cismaan Yaasin iyo dhallinyaraddii ka qayb qaadatay in sannadkan xuskan mihiimka ah lagu qabto Somaliland.

Nasiib na ay u heleen in ay ka mid noqdaan ururka Qarrada Afrika u qaabilsan Sayniska iyo Injineernimada.

Agaasimaha waaxda Sayniska ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Ubax, ayaa soo dhaweysay xuska maalinta Sayniska waxaanay xustay in ay fursad u tahay dhallinyarada Somaliland ee hal abuurka leh.

Geesta kale qaar ka mida ardaydii ka socotay Jaamacadaha dalka ayaa soo dhaweeyay xuska munaasibadan.

Guddoomiyaha Machadka xog ururinta Sayniska iyo Injineerada Somaliland Cadnaan Cismaan Yaasin, ayaa isna sheegay in xuska toddobaadka Sayniska oo lagu qabnayo magaalada Hargeysa uu socon doono muddo 5 cisho ah.

Waxaanay dhallinyaradu ku soo bandhigi doonaan aqoontooda maskaxeed ee xagga hal abuurka iyo tiknoolojiyada.

Cadnaan Yaasiin, ayaa intaas ku daray in dadaalo badan oo ay sameeyeen ay ku guulaysteen in Somaliland qayb ka noqoto xuska toddobaadka Sayniska Afrika oo sannad walba la qabto.

Waxaanu u mahad naqay wasiirka isgaadhsiinta iyo dhallinyaradii qaybta ka ahayd.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here