Tibor Nagy oo difaacay ahmiyadda heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya

0
3652

Washington (Hargeisa Press)- Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibbeda Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Ambassador Tibor Nagy, ayaa difaacay ahmiyadda heshiiska aqoonsiga iyo badda ee ay dowladda Somaliland la gashay dowladda federaalka Itoobiya.

Tibor Nagy oo soo noqday Safiirka Itoobiya, ayaa sheegay in aanay jirin sabab Soomaaliya uga hor-timaaddo heshiiska badda ee Somaliland la gashay Itoobiya, maaddaama buu yidhi Somaliland tahay dal madax-banaan oo shaqaynayey in ka badan Soomaaliya.

Ambassador Tibor Nagy oo bixiyay waraysi, ayaa yidhi, “Somaliland, waa Dowlad shaqaynaysay in ka badan Soomaaliya, qof walba wuu ogyahay in aanay ahayn gobol ka go’ay Soomaaliya oo ay tahay Dowlad shaqaynaysa iyo dal xaqiiqo ahaan u jira.”

Tibor Nagy, ayaa sheegay in Dowladnimada Somaliland ay keentay in Soomaaliya kalsooni ku qabi waydo Dowladnimadeeda.

“Taas ayaa keenaysa in Soomaaliya ku kalsoonaan waydo jiritaankeeda sharci ahaaneed, waxaana ku sugan Ciidamo ka socda Dowlado badan.” ayuu yidhi Ambassador Tibor Nagy.

Diblomaasiga, ayaa waxaa uu sheegay in heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya uu keenayo horumar iyo in dowladnimada Somaliland jidkeeda sii haysato, taasina waata keenaysa buu yidhi in Soomaaliya aanay ku farxin heshiiska.

“Heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, wuxuu keenayaa horumar iyo in Dowladnimada Somaliland jidkeeda sii haysato, taasina waata keenaysa in Soomaaliya aanay ku farxin heshiiska, waayo? Heshiiska Baddu wuxuu ku salaysan yahay danaha labada dal ee jaarka la ah Soomaaliya..” ayuu yidhi.

Tibor Nagy, waxa kale oo uu sheegay in Waddamada Caalamku dhaqaale badan ku siiyaan Soomaaliya si ay cagaheeda iskugu taagto oo ay qabsato doorashooyin cod iyo qof ah, laakiin aanay taasi u suurto-gelin.

“Adduunkh sanad walba balaayiin dollar ayuu ku bixiyaa, si ay Somalia cagaheeda iskugu taagto iyo inay doorashooyin qof  iyo cod ahi ka dhacaan, laakiin waxa muuqata in weli naqasku hayo.” ayuu yidhi Tibor Nagy.

Tibor Nagy oo ah masuulkii ugu sareeyay ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald J.Ttump, uu u diro Afrika, sidoo kale ahaa Kalkaaliyaha Waaxda Arimaha Dibedda Mareykanka iyo Safiirkii Itoobiya, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta caanka ah ee u ololeeya qadiyada aqoonsiga Somaliland.

Diblomaasigan Mareykanka u dhashay, ayaa dowladda Madaxweyne Joe Biden iyo Ururka Midowga Afrika culays xoogan ku saara inay aqoonsadaan Madax-banaanida Somaliland.

Si kastaba, Heshiiska Badda iyo Aqoonsiga ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya bilowgii sanadkan 2024, ayaa si guul ah loo dhamaystiray, waxaana loo diyaar-garoobayaa in si rasmiya loo dhaqan-geliyo, sida uu 11-kii bishan sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here