Gabiley , (HargeisaPress) — Waxa maalmahanba ka socdey tartan ciyaareed kubada cagta ah oo loogu magac darey alle ha unaxiiste wariyihii ruug cadaaga saxaafada Somaliland wariye Axmed Xasan Cawke oo ka baxay guud ahaan umada reer s/land hadaba tartankan ooka socdey garoomada goglan todobaadkii udanbeeyey hadaba tartankan oo dhawr koxood ku kulmeen ayaa lagusoo gabogabeeyey stadiumka gabiley.
Hadaba tartankan waxa kasoo qayb galey masuuliyiinta heer gobal iyo heer degmo ee gobalkani gabiley iyo waxgarad aqoonyahanka iyo dhamaan ururada bulshada ee rayidka ah markuu dhamaaday tartanku waxa abaalmarino la gudoonsiiyey kooxdii ku guulaysatey tartanka intaa kadib waxa hadalo fataaxo iyo dhiirigalin ah ka yidhi masuuliyiinta iyo xildhibaanka golaha degaanka gabiley oo isagu soo agaasimey tartankan.
ugu horayn waxa ka hadley maayarka gabiley maxamed aamin cumar cabdi oo dardaaran iyo dhiirigalin xambaarsan udirey dhalinyarada iney mid noqdaan oo ay xoraaban balwadaha dhibta leh ee uu qaadku ugu horeeyo kuna dhiirigalin iney xoojiyaan tartamada ciyaaraha si dhalinta yar yar iyaguna k daydaan oo aanay ehel iyo qaraabo la noqon balwadaha ragaadiyey maanta dhlinyrada gabiley.
Sidoo kale badhasaabka ayaa isaguna ka hadley xusey inuu wariye cawke ahaa mid aanay ilaawi doonin shacab waynaha reer Somaliland oo uu hldoorkii saxaafada Somaliland.
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com