Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeer ku tagay Degmada Sallaxley

0
961

Sallaxley (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa waxaa uu maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Sallaxley.

Kormeerka Taliyaha Ciidanka Booliska, ayaa ujeedkiisu ahaa dhiirrigelinta Ciidamada Booliska ee degmada iyo kormeerka guud ee xaaladda amni.

Intii uu ku sugnaa degmada, Taliyaha waxa uu si gaar ah ugu boggaadiyay ciidamada dedaalka ay ugu jiraan sugidda amniga iyo u adeegidda bulshada. Waxa uu sidoo kale abaalmarin guddoonsiiyay qaar ka mid ah ciidamada degmada, kadib hawlgallo guul leh oo lagu soo qabtay maandooriyaha khamriga, iyadoo gacanta lagu soo dhigay laba gaadhi oo sida khamriga.

Taliyaha, ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay Maayerka degmada Sallaxley, Xoghayaha Fulinta, iyo xubnaha Golaha Deegaanka, waxayna si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda guud ee degmada iyo baahiyaha amni ee ka jira.

Ugu dambeyntii, Taliyaha iyo Maayerka, ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay hool cusub oo ay seexan doonaan ciidamada Saldhigga degmada iyo saldhig cusub oo laga dhisayo magaalada Dhimbirayaale.

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa mar walba u taagan sugidda amniga iyo ilaalinta nabadda shacabka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here