Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka warbixiyay Kalluumeysato la qabtay

0
1522

Saylac (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa waxaa uu maanta ka warbixiyay Doonyo lagu qabtay xeebaha galbeed ee Somaliland, kuwaasi oo sifo sharci darro ah uga Kalluumaysanayay xeebaha dalka.

Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ee saldhiga Saylac, ayaa hawlgal qaatay laba iyo toban saacadood waxaa ay ku soo qabteen 13 Kalluumaysto ah oo ka soo jeeda dalka Yeman, kuwaasi oo sifo sharci darro ah uga Kalluumeysanayay biyaha Somaliland.

Hadaba, Taliyaha ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa waxaa uu Saldhiga Labaad ee Salylac ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, ku boggaadiyay sida ay uga qayb qaateen hawlgalka lagu soo qabtay Doonyaha sida sharci darrada ah u Kalluumeysanayay.

Waxaanu sidoo kale, Taliyaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ka warbixiyay hawlgalo ay ciidanka ilaalada xeebuhu ka sameeyeen xeebta dheer ee dalka.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland uu dedaal dheeraad ah ugu jiro ilaalinta xeebta dheer ee dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here