Taliyaha Ciidamada Booliska oo 365 Askari tabobar ugu soo-xidhay Dugsiga Mandheera

0
1054

Mandheera (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa Dugsiga Mandheera ee Mujaahif Lixle tababar ugu soo xidhay 365 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska.

Xaflad ballaadhan oo tababarkan lagu soo xidhayay Askarta, waxa goob joog ahaa Saraakiil sarsare oo ay ka mid yahiin hoggaanka Tababarka, Taliyaha Dugsiga Mandheera iyo Saraakiil ka tirsan Taliska guud Ciidanka Booliska Somaliland.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland , ayaa askarta kula dar-daarmay inay ka shaqeeyaan sidii ay u damaanad qaadi lahaayeen amniga iyo xasiloonida dalka, isla-markaana ay u xushmeeyaan shuruucda iyo xeerarka booliska.

Waxaa uu Taliyuhu ku adkeeyay in ay ku dadaalaan ilaalinta sharciga iyo xuquuqda muwaadiniinta, si uu boolisku noqdo awood lagu kalsoonaan karo oo caddaalad ku dhisan.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in askarigu noqdo mid hufan oo ku dhaqma anshaxa booliska, iyadoo la tixgelinayo baahida loo qabo in la xoojiyo kalsoonida bulshada ee ciidanka.

Waxaanu faray inay ka shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee bulshada iyo booliska, iyadoo la xoojinaayo wacyiga iyo fahamka bulshada ee ku saabsan doorka booliska.

Taliyaha, ayaa ku dhiirrigeliyay ciidanka in ay noqdaan kuwo si firfircoon uga qeyb qaata horumarinta iyo ku-tala-galka qorshayaasha amniga, si loo hubiyo in ciidanka boolisku noqdo mid dhisan, awood leh, oo si buuxda uga jawaabi kara baahiyaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here