Taliyaha Booliska Somaliland oo dalka kusoo laabtay, kadib safarkii Itoobiya

0
1083

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Itoobiya.

Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa intii uu ku sugnaa dalka Itoobiya, kulamo muhiim ah kula yeeshay Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Itoobiya Commissioner General Demelash Gebre Michael.

Kulanka ayay labada Taliye kaga wadahadleen xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada ciidan boolis iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ee dhinaca amniga.

Intii uu ku sugnaa Itoobiya, Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland iyo wefti sare oo hoggaaminayay oo ka tirsan Ciidamada Booliska, ayaa sidoo kale booqday Forensic institute Ethiopia iyo Jaamacadda Sandafa ee  Booliska Ethiopia, halkaasi ay waxbarasho u joogaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland.

Taliyaha, ayaa ugu dambeyn dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ee Cigaal ku soo dhaweeyay Taliye Xigeenka labaad ee Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Daahir Cali Wacays iyo saraakiil sare oo ka tirsan Taliska guud ee Ciidamada Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here