Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa maanta laba gaadhi oo ah, kuwa gurmadka degdega ah, kala wareegay Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland.
Munaasibadda lagula wareegayay labadan baabuur, ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay, wasiir ku xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Marwo Samsam Maxamed Saalax iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, xubo ka mid ah saraakiisha Wasaaradda mudan iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha guud iyo Safiirka dalka Taiwan oo munaasibada hadalka iska daba qaatay, ayaa ka waramay gaadiidkan Wasaaradda lagu soo wareejiyay iyo sida ay uga qaybqaadan doonaan dadaalada horumarinta Caafimaadka ee ka socda Wasaaraddaasi.
Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi oo si rasmi ugala wareegay gaadiidkan Safiirka dalka Taiwan, ayaa aad ugu mahadceliyay, dowladda Taiwan, oo si dhaw Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ugala shaqaysa arrimaha Caafimaadka kana dhaxayso iskaashi labada dhan.
Waxaanu wasiirku dowladda Taiwan ku amaanay sida ay marwalba qayb uga qaataan, dadaalada ay Wasaaraddu ugu jirto horumarinta adeegyadda Caafimaadka ee guud ahaan dalka Somaliland.