Taiwan oo $2 Milyan oo dollar ugu deeqday doorashooyinka Somaliland

0
2317

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda Taiwan, ayaa waxaa ay maanta xukuumadda Somaliland ku wareejisey dhaqaale lacageed oo dhan $2 Milyan oo dollar.

Taiwan, ayaa dhaqaalahan lacageed ugu talo gashay inay kaga qayb qaadato doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka Somaliland ee la qorsheeyay 13 bisha November sannadkan 2024-ka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka qaranka Muuse Xasan Yuusuf iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan Maxamed Cumar Xaaji, ayaa dhaqaalahan lacageed kala wareegay safiirka dowladda Taiwan u fadhiya Somaliland Allen Chenhwa Lou.

Wasiirka, Guddoomiyaha iyo safiirka, ayaa dowladda Taiwan uga mahadceliyay taageerada dhaqaale ee ay ka gaysteen doorashooyinkii hore ee 2021 iyo taageerada cusub ee ay ka gaysanayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada qaranka.

Waxaanay wasiirka iyo guddoomiyuhu la wadaageen safiirka Taiwan warbixin ka saabsan hawlaha diyaargarowga iyo derdergalinta doorshaooyinka oo muddo koobani ka hadhsan yihiin.

Arrintan, ayaa daba socotay balanqaad ay dowladda Taiwan hore ugu samaysay Somaliland, taasi oo la xidhiidhay inay ka taageeri doonto dhaqaalaha doorashooyinka soo socda, kadib kulan Guddida Doorashooyinku la qaateen safiirka Taiwan ee Somaliland Allen Chenhwa Lou.

Dowladda Taiwan, ayaa Somaliland hore ugu deeqday 2500 oo xabo oo ah qalabka loo adeegsado hubinta codbixiyaha, ee loo yaqaano ‘Biometrics Voter Verification System’ oo qiimahiisu yahay 2 milyan oo dollar.

Qalabkan oo loo isticmaalo diwaangelinta iyo xaqiijinta codbixiyaha, ayaa ah qalab sahlaya in uu aqoonsado astaamaha jidheed ee codbixiyaha sida indhaha qofka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here