“Tabliiqa siyaasiga ah dad badan ayaa xasaasiyad ka qabay laakiin guul”…

0
777

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Prof. Cali Khaliif Galaydh,  ayaa sheegay in Tabliiqii siyaasadeed ee ay dhawaan goboladda Somaliland qaar ka mida ka sameeyeen in ay Somaliland u soo hoysay guul weyn oo muujinaysa in ay tahay dal qaan gaadh ah xagga siyaasadda iyo dawladnimadda.

Inkastoo uu xusay in arrintaasi ay xasaasiyad ka qabeen dad badan oo reer Somaliland ay hadana wax badan oo faa’iido ah u soo kordhisay dimoqraadiyadda iyo nidaamka siyaasadeed ee Somaliland.

Cali Khaliif, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay kulan aqooneedkaas oo ay soo qaban qaabisay dalladda ururadda aan dawliga ahayn ee Somaliland ee magaceedda loo soo gaabiyo SONSAF ayaa cinwaankeedu ahaa doodda aqoon yahanka (academic debate), oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaana madashaasi lagu falan qeeyay mustaqbalka iyo taariikhda Somaliland oo si cilmiyaysan iyadoo si ka qoto dheer siyaasad ahaan loogu lafo-gurayay.

Kulan aqooneedkaasi waxaa ka soo qayb galay siyaasiyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga UCID, aqoon yahano, dad bulshadda magac ku dhex leh oo uu ka mid ahaa Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo masuuliyiin intaba.

Prof. Galaydh oo ka hadlayay muhiimadda kulan aqooneedkaasi iyo sida ugu wanaagsan ee taariikhda ummada loo ilaalin karo waxa uu  yidhi “Waxaan waa la wada yahay in si qoto dheer loo qaataana way haboon tahay.

Mida aan jecelahay ee taariikhdaa iyo xataa (Social anthropology) ama (cultural anthropology) ay tahay in aynu kaga bogano, waa maxaynu ku samaynaa traditional institutions keenii ee hore u jiray. Sidee waxan cusub ee inta badan dibadda inagaga yimid iyo kuweenii hore labadaa la siku waafajin karaa”.

Cali Khaliif, waxa kaloo uu  ka hadlay taariikhda hogaamineed ee lagu majeerto dhaqanka iyo siyaasadda isku dhafan ee madaxweynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waxaanu sheegay in aanu jirin nin siyaasi Soomaaliyeed ah oo Cigaal kaga fiicnaa in uu isku dabaqo siyaasadda qabiilka ku dhisan iyo ta reer Galbeedka, isla tixgelin jiray hadba xaaladda taagan iyo yoolka mustaqbalka la hiigsanayo.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Kolay nin siyaasi ah oo Soomaaliyeed, oo kaga fiicnaa Maxamed Ibraahim Cigaal (madaxweynihii labaad ee Somaliland) in uu jiro. Nin dhaqan yaqaan ah, oo siyaasadda reer Galbeedkana sidaas ula socda, hab dhaqankiisa siyaasadeedna ahaa nin aad iyo aad u tixgelinaya waaqica qabaliga ah, ee meeshan jira iyo xiliga kala guurka ah iyo hoolku waxa uu yahay ee hore loogu socdo, ayuu Cigaal ahaa.

Geesta kale Prof. Galaydh,  waxa uu ka hadlayay Tabliiqii siyaasadeed ee isaga iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ay dhawaan sameeyeen.

Waxaanu yidhi “Waagii dhawayd Tabliiqa siyaasiga ah wixii aanu meelahan ka bil-bilawnay, hada ogaada qodobkaasi dad badan oo xasaasiyad ka qabay way jireen. Laakiin, waxay taasi u soo hooysay  Somaliland in ay tahay qaan gaadh, nidaamkeedda siyaasadeed, qaan gaadh hogaamin siyaasadeed in ay leeyihiin.

Hadiiba ay soo dhawaynayaan, oo aanay  si urursan oo lafo-gurkaa siyaasadeed loo samayn karo. Sidaad adigu isku taqaano maahee, waa sida laguu yaqaano.

Somaliland neey taa aan ogaano. Waa la inoogu sad kordhinayaa, haddii aynaan dimoqraadiyadda meelahaa la wareegin oo aynaan ku laafyoonin,  oo aynaan odhan laba ama saddex doorasho ayaan qabanay”.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here