Hargeysa (Hargeisa Press)- Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku kala dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland, ayaa saaka waxaa ay dhoolatusyo waaweyn oo baaxadle ku soo khatimeen ololaha doorashada ee maalintii u dambeeyay xisbiga.
Kumannaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa waxaa ay sameeyeen isu-soo-baxyo mahrajaanno indho-daraandar ah oo aan la qiyaasi karin.
Taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo aan farahooda la qiyaasi karin, ayaa socod ku maray jidadka, suuqyada iyo xaafadaha magaalooyinka iyo deegaanada, kuwaas oo markii dambey isugu soo biyo-shubtay fagaarayaasha khayriyooyinka.
Waxaa taageerayaasha xisbiga ee magaalooyinka iyo deegaanada dalka kala qayb galay dhoolatuska isku soo baxa ololaha, xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, madaxda xisbiga KULMIYE, maamulka magaalooyinkaas iyo madaxda ololaha xisbiga ee magaalooyinka iyo deegaanada.
Masuuliyiinta xisbiga iyo xukuumadda oo taageerayaasha kala hadlay fagaarayaasha magaalooyinkaas, ayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku bogaadiyey sida baaxada leh ee ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Waxaanay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddu ay taageerayaasha xisbiga ku adkeeyeen inay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyaan xisbiga iyo murrashaxiintiisa.
Magaalada Hargeysa
Magaalada Burco
Magaalada Boorama
Magaalada Ceerigaabo
Magaalada Berbera
Magaalada Gabiley
Magaalada Wajaale
Magaalada Arabsiyo
Magaalada Saylac
Magaalada Oodweyne
Magaalada Gar’adag
Magaalada Caynaba
Magaalada Balligubadle