Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay Khariidaddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Baahisay

0
724

Jidda (Hargeisa Press.com): Waxaa mar kale indhaha bulshadda Soomaalida soo jiitay kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ay bogeedda ku baahisay safiirrada iyo qunsuladda u kala fadhiya dalalka ay xidhiidhka leeyihiin oo ay ku dartay Somaliland iyo Puntland.

Dhacdadaasi ayaa imanaysa maalin uu kadib markii website-ka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya lagu daabacay khariidad ay  ku miijisay  in Soomaaliya iyo Itoobiya ay hal dal isku yihiin, marka laga reebo Somaliland oo khariidadaas dal gaar ka dhigtay.

Hadaba dawladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horaysay ka jawaabtay  dhacdooyinkaasi iyo sababta aanay Soomaaliya weli si rasmiya  warbaahinta uga sheegin mawqifkoodda.

Wasiirka arrimaha dibadda dawladda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in aanay Itoobiya wax safiirro ah u joogin Somaliland iyo Puntland, isla markaana Itoobiya uu hal safiir ka jooga  magaaladda Muqdisho

Wasiirka oo maanta ay waraysatay BBC,  isagoo ku sugan magaaladda Jidda ee dalka boqortooyadda Sucuudi carabiya, ayaa sheegay  in waxyaabahaasi aanay  ka turjumaynin xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Horta Itoobiya safiirro uma joogaan Hargaysa iyo Garoowe, hal dawlad ayay Soomaaliya leedahay, hal safiir ayaana Soomaaliya u jooga dawladda Itoobiya. Safiirkaasina waxa uu joogaa Muqdisho.

Waxaan filayaa dadku waxay isku khaldayaan, safiir iyo qunsul. Safaarraduhu waxa kaloo ay yeelan karaan qunsuliyado u jooga magaalooyinka qaarkood, aduunka oo dhana way ka jirtaa Soomaaliya-na way ka jirtaa”ayuu yidhi wasiir Cawad.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Soomaaliya lafteedda ayaa waxay wadamadda qaarkood. Anigu hadda waxaan ku suganahay oo aan kaala hadlayaa magaaladda Jidda ee boqortooyadda Sucuudiga, Jidda waxaa noo joogta Qunsuliyad, laakiin safaaradayadu waxay joogtaa Riyaad, oo ah magaallo-madaxda Sucuudiga”.

Geesta kale wasiirka oo wax laga waydiiyay arrinta la xidhiidha khariidadii ay daabacday wasaaradda khaarejiga Itoobiya oo markii danbe Website-kaasi laga saaray bal in dawladda Soomaaliya ay arrinkaas kala hadashay Itoobiya iyo in ka fal celintii bulshadda Soomaalida uun ay ku timid.

Waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi   “Iyagu-na (Itoobiya)  markii ay khaladkoodii arkeen, anagu-na aanu kala hadalnay ayay ka saareen khariidadaasi. Khariidadaas oo khaladaad badani ka muuqday, wax qof isaga falaadooday ayay ahayd, wax dawladda Itoobiya mawqifkeedda muujinaya ma ahayn.

Dawladda Itoobiya markii ay aqoonsatay, anagu-na aanu ku baraarujinay way ka saareen website-ka khariidadaasi, cudur daar ayaanay ka sameeyeen, baadhitaana way ka samaynayaan”.

Dhinaca kale wadahadalka uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya in ay Itoobiya kala yeesheen markii khariidadaas la daabacay ayaanay  bulshadda Soomaalidu ka war qabin, maadaama oo aan warbaahinta laga sheegin wixii dhacay iyo qaabkii ay Itoobiya cudur daarka uga bixisay.

Hase yeeshee wasiir Axmed Ciise Cawad, ayaa ku dooday in aanay muhiimad weyn lahayn in dadka Soomaaliyeed loo cadeeyo sidii wax u dhaceen iyo qaabkii ay Soomaaliya arrinkaasi Itoobiya ugala xidhiidhay.

Waxaanu yidhi “Dadka Soomaaliyeed ee aad sheegayso anigu ma aqaano, tiradoodda iimaad sheegin. Waxaad tidhi ummada Soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeed way badan yihiin, 15 milyan ayaana lagu qiyaasaa. Haddii aad adigu tiro og tahay anigu-na tiro waan kuu sheegi karaa. Waxaasina khalad dhacay oo aan macno lahayn ayuu ahaa”.

Waxaanu intaas raaciyay “Muhiimadu waxa weeyi imika khariidadii meeshii waa laga saaray, dawladda Itoobiya waxay ka samaysay cudur daar, in ay cudur sameeyeena baraha bulshadda wuu ku jiraa. Anaa hadda kuu sheegaya oo Itoobiya arrinkaas waanu kala hadal-nay.

Haddii aad rabtay baraha bulshadda in aan u sheego, oo aan Waco, sidaas dawladuhu kuma shaqeeyaan. Dariiqooyin diblomaasiyadeed ayaa jira oo aduunka lagula hadlo, markaa taana waan samaynay”ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here