Hargaysa (HP): Xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta loo soo gudbiyay xeerka daryeelka carruurta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda somaliland.
Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi C/rasaaq Khaliif Axmed, waxaa ka soo xaadiray 51 mudane oo ka mida 82 xildhibaan ee uu golahaasi ka kooban yahay.
Sidoo kale waxaa fadhiga golaha ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Mustafe Maxamuud Cali, agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.