Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka qayb galay barnaamijka bandhiga Waxqabadka iyo isla xisaabtanka Xukuumadda Iyo bulshadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.
Kulankaas oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradda Warfaafinta iyo Dad weyne kale.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa si qoto dheer uga hadlay Taariikhaha kala duwan ee Wasaaraddani soo martay, Waxaa kale oo uu xusay in Wasaaradda Warfaafintu ka mid tahay Wasaaradihii ugu horeeyay ee dalka ka hawl galay 1991-kii.
Wasiir Koore waxa uu sheegay in Wasaaradda Warfaafintu aanay ku tiirsanayn dhaqaale dibadeed laakiinse ay ku shaqayso Miisaaniyadda Qaranka inta kaga soo beeganta.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelintu waxa uu ka hadlay Waxqabadkii Wasaaraddani ku talaabsatay Mudooyinkii ugu danbeeyay oo ay ka mid yihiin balaadhinta Idaacadaha Radio hargaysa iyo Qur’aanka Kariimka ah, oo badi magaalooyinka waaweyn ee dalka la gaadhsiiyey.
Casriyaynta Qolka kaydka hadalka ee Telefishanka qaranka, Dhismayeyaasha Studiyaha Wararka ee Telefishanka, Xarunta Wada xidhiidhka Qaranka iyo Wakaaladda Wararka Solna oo dib u habayn lagu sameeyay.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in la soo Kordhiyey Channel Cusub oo u gaar ah Ciyaaraha si kor loogu qaado daawashada Telefishanka Qaranka.
Isagoona xusay in la qabtay Tartan dhinaca Suugaanta ah oo dhallinyaradu ay ka qayb qaadatay, Curinta Siyaasadda Warbaahinta, Xeerka Warbaahinta Somaliland oo Wasaaraddu kala shaqaysay Ururadda Saxaafadda, Tababaro loo qabtay hawl wadeenada wasaaradda Warfaafinta iyo qaybaha saxaafadda Madaxa bannaan.
Waxaa kale oo Wasiirku sheegay in Warbaahinta dawladu ay tebisay tartankii ciyaaraha gobollada somaliland iyo Kuwa kale ee Degmooyinka dalka, Sidoo kalena ay diyaarisay barnaamijyadii Sodonkii Sanno iyo Somaliland wixii u qabsoomay.
Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in aanay Cuqdad ka qabin baahinta wararka iyo barnaamijyada Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland Maadaama ay ka mid yihiin Tiirarka uu qarankani ku taagan yahay.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Waxaa kale oo uu ku dheeraaday Marxaladihii ay JSL soo martay iyo heerka ay maanta taagan tahay.
Wasiirka warfaafintu waxaa kale oo uu tilmaamay mandaqada ay somaliland ku taalo oo qalalaase ka taagan yahay iyo sida ay Somaliland Waajib ugu tahay inay iska badbaadiso.
Wasiirku waxaa kale oo uu Jawaab waafi ah ka bixiyey Su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen ka qayb galayaashi kulankaas.
Xigasho: Wakaaladda Wararka Somaliland