Somaliland: Wasaaradda Beeraha iyo Ciidamada oo Qorshaynaya Wax-soosaar Balaadhan oo laga sameeyo Wajaale + SAWIRRO

0
1198

Tog Wajaale, (HargeisaPress) —Wasaaradda Beeraha iyo Ciidamada kala duwan ee dalka ayaa qorshaynaya sidii wax-soosaar la taaban karo uga samayn lahaayeen Banka Wajaale oo ku caan ah beerfalashada.

 

Wefti uu hogaaminayo wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo ay wehelinayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Saraakiil ka socday Ciidamada Booliska, Madaxtooyada iyo Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Beeraha oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa safar u kuur gal ah ku tagay Beerta Ciidamadu ku leeyihiin Wajaale.

3bef43e3-02ca-477d-a528-9ba780361096

Safarkan indho indhaynta ah ee ay masuuliyiinta kala duwan ku tageen deegaanka Wajaale ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd qorshe la doonayo in wax soo saar balaadhan oo dhinaca beeraha sanadkan laga sameeyo Beeraha Ciidamada ee ku yaala Banka Wajaale.

2d778fa2-7b2c-4d69-ae2d-d7ab0244f77e

Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in intii karaankooda ah ay ku dedaalayaan qodaal badan oo la sameeyo si wax soo saarka loo kobciyo.

8037dcdf-c294-4203-b26c-6722aabb4cbe

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Aadbaanu ugu faraxsanahay sida aad ka ciidan ahaan noo soo dhawayseen, Abaarihii ina soo marayna waad garanaysaan oo waxa loo baahan yahay inaynu ku cibro qaadano oo wax soo saarka kobcino”.

ead7432f-b964-49ba-88f9-c520dac5a4ea

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Bankan Wajaale waxa laga soo saari jiray wakhtigii dalkii la isku odhan jiray Somalia Qamadida dalka oo dhan laga quudiyo, waxaananu ku talo galaynaa in wixii aanu qodi karno qodno, iyada oo wixii aad qodan jirteen in wax idinku kordhaan mooyee waxba idinka dhacayn Insha Allah”.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in booliska gacana heegan ugu jiraan sidii ay amniga uga shaqayn lahaayeen gacana ku dedaalayaan inay wax soo saarka beeraha dalka ka qayb qaataan.

a435ea76-2231-427b-9388-8c0e2354d316

Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Booliska oo heegan ugu jira sugitaanka amniga dalka ayaa waxa ay sidoo kale gacanta kale waxa ay kaga qayb qaadanayaan wax soo saarka beeraha dalka”.

 

Hogaanka Ciidanka Booliska iyo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa iyaguna faahfaahin ka siiyey  Weftiga Beeraha Ciidamada ee Banka Wajaale iyo nidaamka ay u qotaan ugana hawl galaan, iyaga oo tilmaamay sida ay heeganka ugu yihiin ka qayb qaadashada wax-soosaarka dalka.

b1247934-0cf7-4e83-aec3-3a5dfb32fd3d

Ciidamada dalka ayaa sanadihii u dambeeyey waxa ay qayb ka ahaayeen wax-soosaarka beeraha, iyaga oo beerta ay ku leeyihiin Wajaale ka soo saarka dalagyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hadhuudhka, Digirka iyo dalagyo kala duwan.

3118375c-507f-4adb-b2f4-3ece79680bcd

Sanadkii 2014-kii ciidamadu waxa ay ku guulaysteen inay soo saaraan 10,000  (Toban kun) oo kiish in ka badan oo hadhuudh ah iyo Digir intaasi ku dhow, iyada oo January 2015-kiina Madaxweynuhu booqday, balse sanadkii 2015-kii abaar awaadeed aanay suurto galin wax-soosaar la sameeyaa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here