Somaliland: Shirweynaha 3aad ee madasha dhaqaalaha oo furmay

0
1246

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland si rasmi ah uga furmay Shirweynaha saddexaad ee madasha dhaqaalaha Somaliland.

Shirweynaha, ayaa waxaa ka qayb galay Guddidiyada dhaqaalaha ee golaha Wasiirrada, hay’addaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah, madaxda Bangiga Dhexe, ganacsato iyo aqoonyahan.

Shirka oo ay qabanqaabiyaan wasaaraddaha ku bahoobay guddida dhaqaalaha ee golaha Wasiirrada, ayaa waxaa uu kulmiyaa, xukuumadda, ganacsatada iyo aqoonyahanka, iyada oo lagu lafa-guro arrimaha dhaqaalaha dalka Somaliland.

Waxa kale oo shirka ka qayb galay khubarada u xilsaaran “Dooda iyo Falanqaynta saamaynta ay dhaqaalaha ku leeyihiin fidinta adeegyadda Maaliyadeed ee ay bixiyaan bahda maaliyaddu oo ay ku jiraan adeegyada Banaanka, Xawaaladaha, Caymiska, Shirkadaha Isgaadhsiinta, iyo shirkadaha bixiya deymaha yaryar.

Shirweynaha, ayaa sannadkan, waxaa hal-ku dhig looga dhigey, “Wada shaqaynta hay’addaha dowladda iyo u adeegista maalgashadayaasha iyo ganacsatada”.

Shirka, ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha Somaliland loona casriyayn lahaa, iyadoo shirka laysugu keenay khubaro iyo xeel-dheerayaal ka doodi doona caqabaddaha hortaagan dhaqaalaha dalka, isla markaasna soo saari doona go’aamo iyo xalal waara.

Dhaqaalaha dalka Somaliland, ayaa waxaa uu ku fadhiyaa qaybta gaarka loo leeyahay ee la yidhaahdo ganacsiga.

Muddada uu socdo shirku waxaa lagaga doodayaa arrimaha dhaqaalaha, ee markaas jira iyo kuwa soo socda, iyadoona dhaqaalaha dalku ku fadhiyo qaybta gaarka loo leeyahay ee la yidhaahdo ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here